Jannada maxaa lagu kasbadaa, oo naarta maxaa lagu galaa? (WQ: Dr Abdulqani Beder)

Jannada maxaa lagu kasbadaa, oo naarta maxaa lagu galaa?

Kuye: Maxaa adiga kaa khuseeya oo kaa galay !

AHA AHA, CAJAB, Inaadeer Janada waxa lagu kasbadaa hawl wakhtigeedii si fiican loo gutay (Efficiency) , naartana waxa lagu galaa hawl gudashadeedii laga gaabiyey (Negligence).

U fiirso:

{ قد أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ، الَّذِينَ هُمْ فِي صَلَاتِهِمْ خَاشِعُونَ} المؤمنون 1-2.

“Waxa liibaanay muuminiinta salaaddooda ku khushuuca”.

{ فَوَيْلٌ لِّلْمُصَلِّينَ ، الَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ} الماعون 4-5

“Waxa hoogay kuwa salaaddooda ka sahwiya”-wakhtigeeda iyo khushuucdeeda dhowri waaya, bal kuwa gebi ahaanba tukan waayey ka waran?

Tani waa diin, waa wax la sheego oo bulsho loo gudbiyo waxa ugu qiimaha badan, waa guul adduun iyo badbaado aakhiro.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder