Jawharadda Islaamka: Akhlaaq Wanaagga

Islaamku waa diin dhowrtay sharafta qofka Muslimka ah, u caddaalad samaysay ummadda, adkaysay xidhiidh kasta oo dhexmara laba dhinac (xidhiidh Rabbi oo cibaado ah, iyo mid bulsheed oo macaamil ah) Islaamku waa diin ku dhisan cibaado ay aasaas u tahay qiyam ka goโ€™naasho leh oo ay tahay sida aad u aamintid in aad uga runsheegtid una dhaqangelisid.

Diinta Islaamku waa mid innagu boorisa ammaanada, caddaaladda, daacadnimada, dhowrsanaanta, xidhiidhinta sokeeyaha, akhlaaq wanaagga, ballan oofinta, runsheegnimada iyo tilmaamo kale oo aynaan halkan ku soo wada koobi karin oo jawharadda Islaamka ah, qofka oo intaa ku sugnaadaa waa mid la yimid habdhaqankii tolmonaa ee Islaamka. Sababta aynu u sheegaynaa waa qofka sifooyinkaa laga helaa in uu lafdhabarkii Islaamka fahmay. Haddaba aynnu ka soo qaaddanno kuwo ka mid ah tilmaamaha Alle STW inna faray, Muslimiintuna ay caanka ku yihiin ee lagu yaqaanno.

Akhlaaq Wanaagga

Saxaabigii Nawaas Bin Samcaan ayaa maalin Rasuulka u yimi, waxa aanu warsaday waxa uu yahay samafalku. Rasuulku waxa uu ugu halceliyey; waa dabeecad wanaagga, waxa uu haddana waydiiiyey waxa uu yahay dambigu, wuxu ugu jawaabay; waa arrinka naftaadu kohato, diiddana in samayntiisa dadku kugu arkaan.

Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada, waana mid diintu dhiirigalisay in lala yimaaddo, iyada oo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roon yahay loo kala darajo sarrayn doono. Waxaana muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku CSW leeyahay, โ€œWaxa Muโ€™miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.โ€ Hubaashii habdhaqanka wanaagsani wuxu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin.

Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku CSW, miyaanad maqal marka Alle SWT leeyahay, โ€œWaxa kuu sugnaatay akhlaaq sarraysa.โ€ Nabi Maxamed waxa uu tusaale ifaya inoogu yahay dabci wanaagga.

Caaโ€™isha RC, markii la waydiiyey habdhaqankii Rasuulka CSW, waa tii lahayd, โ€œHabdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Quraanka.โ€ Rasuulku CSW wuxu ahaa mid horseed u ah ku dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hordhaqma ayuu ahaa.

Nindoornimo ayaa uu tilmaama dabci wanaaggu, waana sababta Cabdillaahi Bin Cumar inoo leeyahay, “Ma ahayn Rasuulku mid xuma fala ama ku hadla, waxase ka sugan in uu lahaa; kiina ugu gobsani waa kiina ugu dabeecad wanaagsan.”

Hoyga lama huraanka ee aynu u sii dhididno maalin walba dabeecad wanaaggu waxa u yahay arrimaha ugu mudan ee lagu mutaysto. Abu Hurayra waxa uu sheegay in Rasuulka CSW la warsaday waxqabadyada ugu badan ee lagu galo jannada, Rasuulkuna ugu halceliyey; cabsida Ilaahay iyo dabeecad wanaagga.

Soosaariddiisi waxa uu ku lammaaneeyey habdhaqanka, โ€œWaxa la ii soosaaray in aan dhammaystiro akhlaaqda teeda wanaagsan.โ€ Waxa aad moodda in diinta loo soo dejiyey akhlaaqda oo qudha. Haa, haddii akhlaaqdaadu toosnaato diintaadu way toosnaanaysaa.

Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa afgaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray in uu ahaa mid tilmaamaha ku suntan, xadiis ka suganna wuxu ahaa, โ€œAlle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.โ€

Culimada oo sheegaya astaamaha lagu garto dabeecad wanaagga ayaa ku soo ururiyey; qofka xishood badan, kalsoonidaย  runtiisa oo kalsooni lagu qabo, hadalyari, in aanu ahayn mid xanta lagu yaqaan, ceebayna dadka, isku dirna aan lahayn, in uu yahay mid Ilaahay dartii wax u jeclaada, Ilaahay dartiina wax u naca, dabeecadahaasi waa dabci wanaagga .

Habdhaqanka sare waxa ka mid ah sida aynnu soo sheegnay xishoodka, xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka CSW oo maalin la hadlaya asxaabtiisi ayaa ku yidhi, โ€œWaar ka xishooda Alle, xishood dhab ah.โ€ Inta ay naxeen saxaabadi ayey si degdeg ah ugu halceliyeen, โ€œwaanu ka xishoonnaa Rasuul Allow.โ€ Intaa markii ay yidhaahdeen ayuu haddana ku yidhi, โ€œXifdiya madixiina iyo intuu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiya xusuusnaanta geerida.โ€

Billaahi calaykum xadiiskaasi muxuu inoo reebay, haddii lagu yidhi xifdi madaxa iyo intuu koobsay; waa indhahaagu yaanay eegin wax aan Alle SWT raalli ka ahayn, dhegehaaguna yaanay dhagaysan wax Alle SWT necbaysanayo, calooshaada yaanay gelin xoolo aan xalaal ahayni weeye. ย Sida oo kale badiya xusuusta geeridu waa ha isa siin noloshan, maalin aadan is ogayn ayey geeridu kuu iman kartaa, saacad aadan ogayn ayey naftu kaa bixi kartaa, mar walba waa in diyaar u noqotaa geerida.

Dalalka Islaamka maanta intooda ugu badan diinta laguma gaadhsiin dagaal, waxa se gaadhsiiyey muslimiintii dalalkaa tagay oo la majeertay habdhaqanadoodii sida; dabci wanaaggoda, runsheeginmadooda, caddaaladdooda, dhowrsanaantooda, ammanadooda, oofinta ballanta iyo daacadnimadooda. Dadyowgii ay u tageen ayaa majeertay diinta ay raggaasi sidaan in ay tahay mid dhammaystiran, waana sababta ay ugu dhiiradeen in ay Islaamaan.

Qofka Muslinka ah ee nool maantu waa in uu ogsnaado sida loogu leeyahay salaad iyo soon in uu la yimaaddo in looga rabo in uu habdhaqankiisa diinta ku faafiyo. Ogsonaado marwalba in uu yahay wakiilkii diinta, inta uu isagu toosinayo habdhaqankiisa in uu yahay iibayaha ama gaadhsiiya dunida ee diinta, jawharadda diintuna waa habdhaqanka toosan.