Jean-Jacques Rousseau: Faylasoofkii Gadoodsanaa. Q.1aad (WQ: Dr-Abdikarim D Hassan)

Jean-Jacques Rousseau (1712-1778) waa mid ka mid ah raga ugu magaca wayn uguna saamayn badan ee Faylasoofyadii Europe ee xiligii baraaruga (Renaissance age) ama xilig loogu yeedho qarniyadii Maan-furan-ka (The enlightment).

Rousseau xidhiidh kayagu wuxuu bilaabmay sanadkii 2003dii, xili aan kooras cilmiga bulshada ah (Sociology) ka baranaayay Jaamacada 6 October ee kutaal Qaahira. Laga soo bilaabo xiligaas si teel-teel ah ayaanu u kulmaynay, isbarashadayada iyo is fahamkayaguna wuu sii xididaysanayay. Hada oo aanu markale isku soo dhacnay waxaa na kulmiyay buuga (الازمة الدستورية في الحضارة الإسلامية) ee uu qoray Maxamed Mukhtar Al-Shanqidi, oo qoraagu aragtiyaha Rousseau uu si xeel-dheer u gorfaynaayo, marar badanna uu u cuskanayo.

Bilowgii si kedis ah ayaan isu baranay. Maalin uun baa lana faray in aanu qoraal kasoo diyaarino afkaarta Rousseau. Maalintaas maskaxdayda waxa kuso dhacay; oo horta magacani ma ninbaa mise waa gabadh? waxaaba adkayd ku dhawaaqida magaca. Waxa kale oon is waydiiyay ninku waa ayo? Hadaba inta aanay is aqoon, aan si guud isu kii baro.

Rousseau wuxuu ku dhashay Geneva,Switzerland. hooyadii waxay dhimatay sagaal maalmood kadib dhalashaiisii. Rousseau aabihii Isaac Rousseau wuxuu ahaa saacado sameeye, hasayeeshee xiligaas Geneva waxay ahayd magaalo yar oo kudhawaad 20,000 ku noolyihiin oo ay xukumaan dhowr qoys oo maal-qabeeno ah, magaalada qalalaase siyaasadeed oo xooganina ka jiro.

Rousseau aabihii wuu ka hijrooday Geneva isagoo u jihaystay caasimadii caalamka ee wakhtigaas: Istanbul. Halka Geneva ahayd magaalo Gabiilay ka yar, Paris-na dadkeeda lagu qiyaaso ilaa 170 kun xiligaas, Istanbul waxa ku noolaa 750 kun oo qof; waxay ahayd caasimada shucaaca aqoonta, fikirka, doodaha siyaasada, iyo horumarka technologiyada iyo ilbaxnimaduba kasoo fufaysay. Xiligaas wax caadi ah ayay ahayd in farsamo yaqaanka reer yurub u shaqo tago magaalooyinka waawayn ee caalamka islaamka; Istanbul, Baqdaad, Dimishiq iyo Qaahira- (aduunku waa hadhka labada gelin). Toban sano ayuu oday Isaac Rousseau ku noolaa caasimadii khilaafada, magaalada aduunka ugu xooga waynayd ee wakhtigaas. Tobankaas sano saamayn aad u balaadhan ayay ku yeelan doonaan nolosha Rousseau iyo fikirkiisa.

Rousseau oo toban jir ah iyo walaalkii oo waxyar ka yar ayuu odaygii kaga dhaqaaqay Geneva “arinkoodu wuxuu ahaa nabad gelyo iyo nooli kulantee”. Taasi waxay keentay in labadii wiil ay waxbarasho seegaan, shaqo xamaali adagna ay yaraan ku bilaabaan. Dhowr sano kadib Rousseau oo noloshii Geneva aad ugu adkaatay ayaa isna ka qaxay Switzerland oo u guuray Savoy oo uu iyana mudo kadib uga sii guuray Paris, France. Halkaas waa Paris e, wuxuu kula kulmay gabadh-noloshiisa si wayn ugu suntan oo la odhan jiray Francoise-Louise de Warens.

de Warens waxay ahayd haweenay xirfado badan taqaan, howlo badan ku lug leh, qalqaali ah misna qani ah, daaciyad diinta kaatoliga ah hadana u daacadnimada lamaanaheedu ku yartahay. Burjuwaasiyad bulshaawiyad ah oo fanka iyo aqoonta jecel, gacan furan. Rousseau waxa uu ka helay gabadhas qalbi iyo qasnad furan, waxay u fidisay gacan qabad xoogleh, waxaanu u banbaxay inuu dib wax u barto isagoo sifiican u bartay aaladaha muusiga, falsafada, iyo dhaqaalaha bulshada. Rousseau mar ayuu guursaday, inta la hubo, shan caruurt ah ayuu dhalay, laakiin nasiib daro shantiiba wuxuu kaga tegay orfano.

Rousseau wuxu noqday qoraa qalinkiisu tuf-leeyahay, aqoonyahan aragtiyihiisu maskaxda akhristaha ruxda oo ka fikirsiiso, mu’alif xaga muusiga ah oo rakiba jiibta heesaha. Waxa uu tafatire ka noqday Joornaalka da’da wayn ee The Encyclopedia. Qoraaladiisu waxay ku caan baxeen weerar xoog leh oo joogto ah oo ku ku hayay isbahaysigii boqortooyada iyo wadaadada kaniisada, oo uu u arkayay in ay xantoobsadeen awood iyo aduun aanay xaq u lahayn. Noloshii adkayd ee uu kusoo koray waxay dhaxal-siisay in uu u damqado dabaqada hoose ee bulshada oo uu ka dhiidhiyo kala durugsanaanta aan la aqbali karin ee inta wax haysta iyo inta aan waxba haysan.

Inkastoo Rousseau hanti ku filan inna sameeyay wax badana dhaxlay, isla markaana uu noqon karaayay aqoonyahay xukunka iyo awoodiisa ka agdhow, hadana waxa uu doortay nolol gunti-giijis ah. Waxa uu dareemay macna darada nolosha fakahaadsiga ah, iyo sida ay dadka uga xayuubiso xuriyadooda, ee ay uga dhigto kuwo u laba diblaysan shahawaat-kooda.

Qoraalada uu caanka ku yahay Rousseau ee ilaa maanta la daraasadeeyo fikrada udub dhexaad ka u ah ee uu aragtidiisa bulshada uu ka qabo iyo falsafada siyaasada isugu soo xooriyay waxa weeye “Bani’aadamku wuxuu dhashaa isagoo Xor ah, Xuriyaduna waxay tahay aasaaska jiritaankiisa; laakin nolosha casriga ah ayaa qofka gumaysa, oo ay midiidin uga dhigta maadada iyo shahwadiisa”.

Qaybaha danbe ee maqaalka waxaan ku eegaynaa aragtiyahaiisa ku saabsan Xuquuqda iyo xuriyada bulshada (rights and social freedom), xidhiidh u dhexeeya madaxda iyo shicibka (social contract), waxbarashada (Education) iyo sida Rousseau uu u arkaayay diinta islaam iyo Nebigeeda Maxamed (SCW).