Somaliland iyo Djibouti waa deris uu u dhexeeyo xidhiidh aan isku dheellitirnayn (WQ: Maxamed Baashe Xaaji Xasan)

Somaliland iyo Djibouti waa deris uu u dhexeeyo xidhiidh aan isku dheellitirnayn.

Madaxweynaha Djibouti waa jookar dantiisa gaarka ah iyo ta dalkiisa u qoolan, una gala oo isku daya in uu kala soo baxo booraan kasta oo qafilan.

Somaliland oo aan aqoonsi ka haysan beesha caalamka oo ay Djibouti ka mid tahay waxa ay u muuqataa in xaalkeedu yahay ‘maafishtaba keen oo maraqa ku soo badi’.

Ciidamo loo samaynayo waddamada kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo Somaliland iyo Djibouti ka mid yihiin ayay u muuqataa in safarkab madaxweyne MBC ugu tegey madaxweyne Geelle.

Wax se la is weydiinayaa sida uu Geelle isu waafajin doono hindisayaashan ciidamada la samaynayo oo ay Somaliland qayb ka tahay iyo mabda’a uu ku adag yahay ee ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.

Gacanka Cadmeed waxa ay Somaliland ku leedahay xeeb dhererkeedu gaadhayo 800 km. Waa meel istraatiiji ah oo marin u ah Badda Cas iyo Baabal Mandab, ayna ka gooshaan maraakiib badan.

Somaliland waxa halkaas ugu jira fursado siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale, wax se wax waliba ku xidhan yihiin sida hadba loo wada gorgortamo si kasta oo xidhiidhka labada dhinac aanu ahayn mid isku dheellitiran.

Xeebaha Soomaalida iyo waddanka Soomaaliya/Somaliland waxa ay u muuqdaan kuwo ay kala jiidanayaan danaha iyo is diiddooyinka waddamada Khaliijka oo ay kala hoggaaminayaan Sacuudi Areebiya oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinaca kale ah.