Jeebwaynta Soomaalidu siday u fekeraan? (WQ: Khadar Faarax Siciid)

 

Kal sii horraysay ayay ahayd. Haya’d (institution) Burco ku yaal, oo inuu tabarucnimo ku shaqeeyo loo tixgeliyo ayaa shaqo ka bannaanaatay. Boosku waa khasnaajinimo. Waxay ku baahiyeen magaalada si ay cid baahidooda qaraarisa dhallinta uga xushaan. Shahaado heer jamaceed oo digrii ahna way u shardiyeen dadka codsiyada keensanaya. Soddoneeyo qof oo aan ku jiro ayaa codsiyo soo xeraystay, muddadii ururintu markaii ay dhamaatayna waxay nagu wargeliyeen imtixaanka lagu kala bixidoondaa inuu ka dhacayo Hoolka Jamacadda Burco. Bartiibaanu iska xaadirinay. Imtixaan jacbur ah oo dhawr fiil (fields of study) dabada la gelaya ayay nagu imtixaameen, qof ba nasiibkiisa qaad, kana soo tagnay.

Laba/saddex habeen ka gadaal aniga oo jidcadde maraya ayaanu si kedis ah u kulanay madixii shaqaalaysiinta ee inistitiyuushankii imtixaanka naga qaaday. Bariido dabadeed, isga oo warqad jeebka ka soo saaraya ayuu igu yidhi, “adiga sow Khadar matihid? Imtixaankii aanu qaadanay adiga ayaa ku guulaystay , I sug, aan ku tuso warqaddii Jaamacdda laga soo gudbiyay e.”  wuu na I tusay. “berri sagaalka xarunta kaalay, guddida boodhka (board of directors) ayaa kulan kula qaadanaysa.” Ayuu igu yidhi.

Ammintii ballanta la ii qabtay ayaan meesha tegay; afar uu ku jiro kii xalayna waan ugu galay. Qaarkood baanu is garanay, kaftan yar ka dib ayay ii bilaabeen shuruudo tiro badan oo shaqaalaysiintayda ay ku xidheen. Shurrudaha waxa ka mid ah  “hanti aad u badan ayaa lagugu aaminayaa, sidaa darteed waa in aad keentaa dammin hantiile ah oo wixii si uun kuugu luma, horey ka bixiya.” Shuruudaha oo dhan waan buuxiyay. Hadda garo oo mar keliya la ilama soo hadal qaadin wax xuquuq ah oo aniga ii sugnaatay. Waa aan waydiiyay “waar waa sidee, ma waajibaadka la i ga rabo ayuun baad taxaysaan, maxaan anigu leeyahay.” Kuye:  “hashiiska xuquuqdaada oo dhami ku caddahay waxa lagu la geli doonaa saddex bilood ka dib, balse, hadda mushaharka aanu ku siinaynaa waa $200 ~laba boqol oo dollar, sidaana ku shaqo gal.”

“imisa saacadood ayaa la idiin shaqaynayaa?” ayaan waydiiyay. “7:30 am, ayaa la soo gelayaa, 12: 00 pm ayaa laga baxayaa, mar labaad, 3:30 ayaa dib loo soo gelayaa, 6:00 pm, ayaa laga rawaxayaa!” ayuu ii sheegay. Su’aalo la xidhiidha waqtiga iyo lacagtu in aanay is le’kayn ayaan waydiiyay Maamulihii, oo aanu is hor fadhino. Lakiin wuxuu ku adkaystay in ay sidaa ku shaqeeyaan.

Aniga oo yaabsan! Ayuu kii aanu xalay is aragnay gacanta iqabtay oo dibadda ii la baxay, waxa uu damacsanyahay inuu shaqada si guud iigu sharraxo, balse, waxa aaan u sheegay in aanan la shaqaynaynin; shaqo na aan lagu ba sheegi karin waxa ay iigu yeedheen. Sidii ayaanuna isku macasalaamaynay.

Haddaba, aan xaqiiqooyinka fajac leh ee qoraalkana nuxurkiisu yahay kuu sheego;  Haya’ddu waa mid lagu tilmaamo tabaruc, balse aan ahayn oo ganacsi dheecan-nuugnimo ah ku can baxaday. Ma garan karo ma kuwii lahaa tabarucbaanu ku dhisnay ayaa ku ganacsanaya, mise kuwo kale!  Waxa u shaqeeya shaqaale muwaadiniin iyo ajnebi isugu jira. Shaqaalaha muwaadiniinta ah, marka laga reebo midhadhka madaxda ah, waxay ku mushariyaan caantaynno –iyaga oo welibana aan sharfanayn. Shaqaalaha ajnebiga ah, oo shaado ahaanna waxaba kaga duwanayn shaqaalaha kale (marka laga reebo inay kala aag aqooneed yihiin), waxa ay ku dhex leeyihiin maamuus aan xad lahayn. Maxaa u dheer, ma garan? Mushahar tobanaan laab ka badan ka shaqaalaha muwaadinkaahi qaato. Mid ka mid ah, ma kuu sheegaa xaddiga lagu mushahariyo, bishii? Haddii aan kuu sheego ma I rumaysan? waxa uu u dhexayaa $3000-$4000. Golaha boodhka iyaga ma garan kartaa mushqaayadooda billaha ah? Waa ay badan tahay oo kuu sheegi maayo, balse, waxa aan kuu sheegayaa, in mid waliba uu haysto ugu yaraan laba shaqo oo kale. waqti badanna kuma bixiyaan shaqadan, waayo, hawlhooda kale ayay waqtiga u yamxeeriyaan, halka shaqaalaha kale ay ku waajibinayaan shaqaynta muddo ka badan ta istaandarka ah.

Yeelkoode, garasho xumaantooda kale ee aan saluugay waxa ka mid ah: sababtee ayay muwaadinka quudhsiga ilaa heerkan ah ugu quudheen, kan soo doolayna karaamaynta ka badbadinta ah u huwiyeen? sababtee ayay qof labaatan sano wax soo dhiganayay, lagau soo tabcayay, baahiyo qudheed iyo/ama kuwo qoyseed ba leh, sagaal saac $200 wax aan dhaamin ugu asteeyeen inuu ku shaqeeyo?

Waxyaabaha isu kay qabanwaayay ee ugu waawayn waxa ka mid ahaa “BOQOLAAL KUN OO DOOLAR AYAAD QABANAYSAA BISHII, SIDAA DARTEEDD WAXA LAGAA RABAA DAMMIIN CULUS, IYO BOQ DOOLAR IYO WAX AAN DHAAMIN MUSHQAAYADAADU WEEEEEEEEEEEEEEEEEYYE!!!!!!”

CAQLIYADA JEEBABWAYNTA SOOMAALIYEED SIDAA AYAY U FEKERAAN.

  1. Khadar Faarax Siciid