Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.20aad

 

Xilliyadee ayaa ugu dhow in ducada la aqbalo?

  • Qofka soomanni marka uu afurayo
  • Marka aad sujuudsan tahay
  • Fadhiga dambe ee salaadda ‘taxyaadka’
  • Eedaanka iyo aqiimka dhexdooda
  • Habeenka xilligiisa dambe
  • Maalinta jimcaha salaadda Casar ka dib (sida culimo badan ku tagsan yihiin).

 

Waxa jira caqabado diida in la aqbalo ducadaada sidaa Rasuulka CSW ka sugan, “Hagaaji cuntadaada, ducadaada waa la aqbaliye.” Xaaran cunistu waxa ay ka mid tahay arrimaha is hortaaga in la aqbalo baryadaada. Nin baa jiray Alle baryey isaga oo la yimid saddex arrimood oo ducadiisa in lagu aqbali lahaa; Safar buu ahaa, Allena magacyadiisa ayuu ku baryayey, gacmahana kor buu u taagayey.

Saddexdaa arrimood ba waxay sababayeen in baryadiisa la aqbalo, hase ahaatee waxa is hortaagay habdhaqankiisi nololeed, Rasuulkaana tilmaamay isaga oo leh, “Wuxuu quudanayey xaraan, hugiisuna xaaraan buu ahaa, wuxu ku soo barbaarayna waa xaraan’e sidee looga aqbalaya baryadiisa?.” Xadiiskaa su’aal baa ku jirta innaga garaadkeenna lagu wayddiinayo ninka sidaa ah sida looga aqbalayo. Haddaa saddex arrin oo sababi lahaa in degdeg loogu aqbalo baryadiisa waxa ka hor istaagay in uu xaaran quute ahaa, markaa haddaad baryadada falcelinteeda waydo bal naftaada uun ku noqo.

Inta badan Rasuulku waxa uu ku ducaysan jiray sida Caa’isha sheegayso, “Allahayow waad samaxaad badan tahay cidda wax saamaxdana waad jeceshay ee na saamax.” Waa baryo Rasuulku CSW ku ducaysan jiray, khaas ahaan tobanka dambe habeennada kala dhiman, sida 21, 23, 25, 27, 29, se waxa ay tahay in habbeen kasta iyo mar kasta ku ducaysato, ducaduna mar walba waa mid furan.

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.19aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.18aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.17aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.16aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.15aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.14aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.13aad

 Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.11aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.10aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.9aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.8aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.7aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.6aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.5aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.4aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515