Jidhka Aadamaha: 30 ka mid ah la-yaabka jidhka dadka Qaybta Kowaad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Jidhka Aadamaha: 30 ka mid ah la-yaabka jidhka dadka (Qaybta kowaad).

Marka aad akhrido xogtan, waxa aad tilmaantaa qofka ugu la-yaabka badan ama qodobka aan maangalka (macquulka) kula ahayn:
1. Ma ogtahay in lafta daanku tahay ta ugu adag jidhka aadamaha

2. Wadnaha qofku waxa uu is garaacaa in ka badan 3 bilyan oo jeer inta qofku nool yahay (3,000,000, 000). Wadnuhu waxa uu tuuraa in ku dhaw 182 milyan oo litir: nolosha celceliska aadamaha

3. Sanku waxa uu awood u leeyahay in uu uriyo in ka badan saddex tiriiliyan oo kiimiko ah (3,000,000,000,000)

4. Timaha dadku waxa ay awood u leeyihiin in ay koraan in ku dhaw 6 inj sannadkii, dhuuxa lafaha oo keliya ayaa ka hor kora ama ka dheereeya xagga korriinka

5. Haddii la isku xidho xididdada dhiigga ee qofka, waxa ay dhulka ku wareegi lahaayeen 2-4 jeer.

6. Maqaarku waa xubinta ugu ballaadhan jidhka, waxaanu sameeyaa ku dhawaad 15% miisaanka ama culayska jidhka

7. Dhiiggu waxa uu sameeyaa 8-9% culayska jidhka

8. Qaybta keli ah ee jidhka aadamaha aan u baahnayn in loo geeyo ogsajiintu waa xaydha cad ee isha (cornea), waxa ay toos hawada uga qaadataa ogsajiinta.

9. Maskaxda aadamuhu waxa ay u leedahay inay kaydiso xog ku dhaw afar tirilyan oo ah xogta kombuyuutarka (terabyte)

10. Ilmaha dhashay waxa uu liqi karaa cuntada isaga oo neefsanaya illaa uu ka gaadhayo toddoba bilood

11. Qalfoofka madaxu (basadu) waxa ay ka kooban tahay 29 lafood

12. Maskaxda aadamaha ee qof keli ahi waxa ay dirtaa gujooyin/farriimo dareen oo ka badan dhammaan wicitaanka taleefannada dunida maalintiiba

13. Farriimaha dareen-wadku waxa ay socdaan in ka badan 274 kiiloo mitir/saacaddiiba

14. Jidhka aadamaha waxa ku jirta salfar dili karta tagfida hal ey, kaarboon samayn kara 99 qalin-qori (beensal), dux laga samayn karo 9 saabuun ah iyo biyo gaadhaya 50 litir

15. Intii aad sadarkan akhriyaysay waxa dhintay illaa 50, 000 ka mid ah unugyada maqaarkaaga

16. Ilmaha yari waxa uu yeeshaa fara-qaad (fingerprints) marka uu caloosha ku jiro saddex bilood

17. Dadka gurran (bidixleha ah) waxa ay caadi ahaan ka cimri dheer yihiin midigleyaasha illaa 9 guโ€™

18. In ka badan saddex-meeloodow laba 2/3 ayaa madaxooda xagga midig u janjeedhiya marka ay wax dhunkanayaan

19. Celcelis ahaan dadku waxa ay illaawaan 90% ka mid ah qarawgooda (riyadooda)

20. Dadku marka ay gaboobaan waxa ay xasuusan karaan illaa 150 tiriiliyan oo ka mid ah xogaha maskaxdooda.

21. Marka aad yaxyaxdo (qajisho) midabka calooshaadu waxa uu noqdaa casaan

22. Madaxu waxa uu saaraa/lumiyaa 80% ka mid ah kulaylka jidhka..

23. Ilmaha afar-jirka ahi waxa uu is-weydiiyaa illaa 450 weydiimood maalintiiba

24. Boqolkiiba 1 (1%) ka mid ah bakteeriyada ayaa sababta xanuunnada dadka

25. Celcelis ahaan qofku waxa uu baahan yahay toddoba mirir in uu gamโ€™o

26. 7% ka mid ah dadka ayaa gurran. Dadka gurrani waxa ay cuntada ku cunaan daanka midig, halka midigleyaashu ay cuntada ku calaaliyaan daanka bidix.

27. Haddii aan la jarin timaha madaxa, waxa lagu qiyaasaa inay qofka timahiisu gaadhi lahaayeen 725km inta uu noolyahay.

28. Illaa 700 insaaym ayaa ka shaqeeya jidhka aadamaha.

29. Qofku waxa uu harraadaa marka uu waayo 1% ka mid ah biyaha jidhka, haddii la waayo 5% waa la miyir-beelaa, haddii la waayo 10% waxa loo dhintaa oon (harraad).

30. Aadamuhu waa noolaha keliya ee dhabarka u seexan kara