Jiitanka nidaamka sharciyaynta dhulka caasimadda iyo xafiisyada sida tooska ah saamaynta ugu leh (WQ: Axmed M. C. Caalin)

Sideedaba haddii ay hawli kaa gasho dawladda hoose ee hargeysa waxa hubaal ah in aad la kulmi doonto niyad jab iyo is-ciilkaambi muddo qaata ; haddii aanad gacan saar dhaw la laheyn Madax waaxeedyada iyo madaxda kala duwan ee dawladda hoose ee hargeysa , waxay igu qaadatay in muddo ku dhaw seddex bilood aan ku dhamaysto sharcigga dhul aan mulkiyadiisa lahaa ; taasoo haddii uu jiro nidaam ama kala danbayn sharci iyo gudasho waajibaad shaqo aan ka badateen in ay ku dhamaato laba usbuuc gudahood

Muddada seddexda bilood ah ee uu socday sharciga aan process-kiisa ku jirey waxaan daraasad iyo qiimeyn dhinacyo badan leh ku sameeyey waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dawladda hoose ee hargeisa , nidaamka shaqo ee dawladda hoose, xildhibaanada sida tooska ah u guta waajibaadkooda shaqo ee ka soo xaadira shaqada , guud ahaan nidaamka shaqada iyo cabashada dadweynaha , anigoo si guud mar ah uga warami doona xafiisyadda sida tooska ah saamaynta ugu leh cago jiidka file-lasha ama decoment-ka ay soo gudbiyaan dadweynaha , kuwaas oo inta badan sababa in uu yimaado habqan shaqo oo inta badan sababa in file-lasha ama decoments-ka bulshada uu isa-soo gaadho ka dibna saameyn kale ku yeesho waaxaha kale ee ku shaqo leh nidaamka sharciga dhulka waxaana ka mida

1. Xafiiska Qorshaynta iyo fidinta dhulka

Xafiiska qorshaynta dhulku waxa uu ka mid yahay xafiisyadda uu maro process-ka nidaamka sharciga dhulku waxaana inta badan wakhti badan kaa qaadaneysaa sidii aad u heli lahayd agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo fidinta dhulka oo ku shaqo leh casaynta file-ka ka hor inta aan loo gudbin madax waaxeedyo afar ah oo ku shaqo leh saxeexa file-ka kaas oo qaata wakhtiga u badan ee lagu jiro nidaamka sharciga decomentiga , waxa dhici karta in haddii aad la kulmi lahayd uu si dhib yar kuugu tilmaami lahaa nidaamka aad raaci karto iyo haddii wax kaa qaldan yihiim in uu ku hogo tusaalayn karo waayo bina’’aadamka ilaahay swt abuuray way khaldami karaan

2. Xafiiska kaaliyaha waaxda Qorshaynta

Xafiiska kaaliyaha waaxda Qorshaynta oo qaabilsan isku xidhka agaasime waaxeedyada iyo agaasimaha qorshaynta waa caqabada koowaad ee uu la kulmayo muwaadinta waxaana dhici karta in mararka qaar lagu weydiiyo laaluush si uu hawsha kuugu fududeeyo , taasoo iyana wakhti badan ka qaadata muwaadinta in uu ku jaho wareero bixinta laaluush iyo in uu sugo oo uu wakhti siiyo inta hawshu dhan ugu dhacayso , haddii aad in uun soo martay wadamada darista gaar ahaan adeegsiga nidaamka hawlaha shaqada shicibka waxaad isweydiin kartaa , miyaanu qofkani ahayn civil servant ama shaqaale dawladeed waayo Ethics ama akhlaaqiyaadka lagu yaqaano shaqaale dawladeed in aanu adeegsan ayaa ah kala jeclaysi shaqsiyeed , iyo Eex dhanka soo kala horeynta muwaadiniinta xaga u leh in ay helaan adeegooda , waxaana markiiba kuu muuqaneysa ama maskaxdaada ku soo dhacaysa in aad ka fikirto bixinta (pripery) ama laaluusha si aad uga gudubto marxaladan adag ee ku hor-taagan , waxaan maskaxdaada ku soo dhacaysa ood is odhaneysaa malaha dalkan ajaanib ayaad ku tahay

Nidaamka iyo Qaabka shaqo ee Dawladda Hoose

Waxa jira nidaam jacbur iyo isdhexyaac dhanka shaqada ah Waxyaabaha yaabka kugu noqonaya waxa ka mid ah in aad aragto xildhibaan file-la cararaya oo dadweynihii ku cidhiidhyaya fursadii uu muwaadinku kaga faa’iidaysanayey madaxda ugu saraysa tusaale ahaan Mayorka , ku xigeenka iyo xoghayaha guud , waana talaabo caqabad ku noqoneysa furfurnaanta shaqo iyo kala dabarista dadweynaha

Inta badan waxyaabaha kaa yaabinaya waxa ka mida ; ka soo xaadiris la’aanta xafiisyadda ee madaxda ay hawshu khusayso , kuwaas oo aaney xildhibaano badan indhahaygu qaban muddadii aan hawsha ku jirey , taasna aad is weydiinkarto meesha ay xildhibaanadii la soo doortay ku maqan yihiin

Xildhibaanada inta badan aan ku arkay xarrunta dawladda hoose iyagoo gudanaya shaqadooda ayaa dhamaa ilaa 11 xildhibaan taasoo ah tirro ka yar kala badh marka la eego tirada guud ee xildhibaanada la soo doortay , waana arrin ka markhaati kacaysa gudasho la’aanta waajibaadkii shaqo ee loo soo doortay

Sababaha loo nisbayn karo xilgudasho la’aanta iyo habaqsanaanta shaqo ee ka muuqda dawladda hoose ayaa lagu sheegi karaa laba asbaabood oo muhiima , ta hore waa aqoon darro xaga xildhibaanada haysata oo loo nisbayn karo in aqoondarro xaga u jajabnaanta shaqada ah ama khibrada shaqo oo baahsani ay haysato badiba xildhibaanada golaha deegaanka

Iyo iyaga oo aan aqoon u lahayn nidaamka shaqo ee ay isku soo sharaxeen oo qaar badan proffession-kooda ama khibradooda shaqo ka duwan tahay ta ay hadda ku jiraan

Ugu Danbayn , waxaan u soo jeedinayaa Massuuliyiinta dawladda hoose ee hargeysa in ay il gaar ah ku eegaan qodobada aan sida gaar ah u dul istaaqay si ay u dhalato nidaam wanaagsan oo ku dhisan hufnaan shaqo iyo kala danbayn maamul islamarkaana hogaanka sare u saamaxeysa in laga dhaxlo maamul wanaagsan muddada ay hayaan xilka uu u igmaday shacbi weynaha somaliland

Qallinkii : Ahmed Moh’d Osman Caalin

Email Address : Ahmed Caalin

Cell phone : 063-4474541