Jimcihii Nabiga aan la soo tukaday! (WQ: Cabdiqani Iid Cilmi)

Ku daahidda guriga ayaa sabab u noqotay in aan ku tukado masjid hore aanan ugu tukan jiran, markii aan masjidka galayba waxa aan fiiriyay goorsheegta, si aan u ogaado muddoda ka hadhay salaada, in 1:45 la tukanaayo ayaa ku qoran, halka markaasna amintu ahayd 1:20, khudbadda ayaa socota, waa aan sunnaystay oo iska fadhiistay si aan khudbadda u dhagysto, af qalaad ayaa wacdigu ku socodaa oo aan ahayn Afkayga iyo kii diintu ku soo dagtay-toona, Waa Afka waddankan lagaga hadlo, waxoogay markii khudbaddu socotay ayaa Khaddiibkii gabay yar oo nabi amaan ah yidhid, hal mar ayaa masjidkii jiibtu is qabsatay oo lagu wada dhawaaqay โ€œyaa xabiibโ€ ereyo u dhigma, sunnaha jimcaha oo ahaa in aamus lagu dhagaysto khudbadda awgeed, aad ayaa aan jiibtaa ula yaabay aniga oo mar kalena la dhacayba sida jiibta la iskula helay.

Muddo tobaneeyo daqiiqo ah markii wacdigu socdo ayaa nin masjidkii ka dhex kacay isaga oo ku qaylinaaya โ€œnaaraa Takbiirโ€, gacanta midigna kor u taagahaaya, dadkii masjidka joogayna waxa ay ugu jiibiyeen โ€œAllahu Akbarโ€. Saddex jeer ayaa uu ku Celiyay โ€œNaaraa Takbiirโ€, dadkiina ugu jiibinayeen โ€œAllahu akbarโ€. ereyo kale oo u dhignaa โ€œMuxammad yaa mustafaaโ€ ayaa uu haddana bilaaay, dadkiina jiibta ayaa ay ka adkaadeen iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo u dhignaa โ€œwaanu jecelnahayโ€. Markii uu intaa dhameeyay dhidid waawaynina ka soo fax yidhid, inleen waa nin aad u dhawaaqayayโ€™e, ayaa uu iska fadhiistay. Wadaad-kii khudbadda ku jiray isagu wali waa taaganyahay, si uu khudbaddiisa u sii wato waxa uu dhawrayay inta ninku dhamaynayo dhaqankaa la isla bartay ee shallaad-ka u eeg.

Khudbaddii ayaa uu wadaadku dib u bilaabay, markii uu waxoogaa wadoba, qinaayad yar oo Nabi amaan ah ayaa uu tirinayaa, Masjidkana jiibta ayaa isqabsanaysa. Micraaj-kii rasuulka ayaa uu ka warramayaa, waana sababta xuska nabiga iyo maansooyinka Nabi amaanka ahi ugu bateen khudbaddaโ€™e, markii la soo gaadhay wakhtigii Salaadda ee ahaa 1:45, waa la wada kacay, jamac looma kicin se sunne ayaa loo wada kacay, Sunnihii ka dib eedaan ayaa dhacay, khudbad kale oo Carabi ahna wadaadkii waa bilaabay, dhakkada ayaa uu khudbaddan ka akhrinayaa, isaga oo waliba sidii quraanka u dululuminahaaya.

Khudbadii Carabiga ahayd dhamaatay Wakhtigy marka uu maraayo 2:00-dii, ayaa aqiimkii dhacay salaadiina la tukaday, sida caadada ah imaamkan waxa hor taalla Sijaayda ama salliga uu ku tukiyo dadka mid kale oo aad u qurxoon, mar danbe ayaa la ii sheegay in nabiga loo asteeyay salligaa, waliba aad loo sii nadiifiyo lana cadriyo maalmahan oo kale.

 

W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

Email:qanoeid@gmail.com