Laga soo bilaabo kacaankii wershadaha, xiligii ay suuro gal noqotay in badaa’ic loo soo saaro si balaadhan oo la iib geyn karo, waxa loo baahday in waxbarasha lagu saleeyo wax soo saarka iyo shaqooyinka markaa abuurmay.
Waxa loo baahday in dadkii beeralayda ahaa loo carbiyo wershadaha iyo u adeegida hanti-goosiga. Halkaa waxa kasoo bilaabmay waxbarashada tooska ah (Formal education) ee aynu maanta naqaano. Nidaamkan waxbaraso oo ah; in qofka saacado tirsan maalinkasta lagu laylyo xirfad ama aqoon loo sii diyaariyay taas oo socota sannado tirsan, kadib uu u gudbo ku adeegida wixii la baray.
Xiligaa xirfadda mar la barto waxaa lagu shaqayn karayay cimriga oo dhan.sidoo kale isbedelka tiknoolajiyada iyo aqoontu waxay ahaayee kuwo gurguuranaya oo in wax cusub daaha laga rogaa waxay qaadanaysay tobanaan sanno.
Waxa kale oo yaraa saamaynta tiknologiyadu ku lahayd nolol maalmeedka, waxa iyana aad u xaddiddnaa iska warqabida bulshooyinka iyo isku tallowga deegaanada.
Si qofka loogu carbiyo looguna tababaro nidaamka cusub ee wershadaha waxa laga shaqeeyay in dejiyo nidaam tacliineed midd ah oo laguwada dabaqi karo dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan si loo helo bulsho ka siman heerka garashada , bulsho ay fududahay in la jaheeyo, bulsho ay suurogal tahay in la xakameeyo filashadeeda, bulsho ay la saadaalin karo isbedelka ku dhici kara xiliga dhow iyo xiliga fog ba.
Khubarada baadha hababka barashada iyo tababarka ( Education and training experts) ayaa isku deyay in ay qeexid sugan u sameeyaan waxbarashada (what is education?), waxa kale oo la isku deyay in wax laga ogaado siyaalaha qofku wax u barto, aqoontana u weeleeyo. Halkaa waxaa kasoo baxay dhowr aragtiyood oo midd-ba dhinac ka eegayso dariiqa ugu fiican ee qof wax ku baran karo ( learning theories) ; waxa jira aragtiyaha Behaviorism, Cognitivism, Humanism, Constructism iyo qaar kale oo la nooc ah.
Waa maxay u jeeddadu?. Waxa loo socda waa in la abuuro bulsho hogaansami karta . In la yareeyo kala duwanaanshaha bulshada ( social differences). Bulsho isku qiyam ah, isku dookh ah, oo isku dan iyo ujeedo ah.
Marka hoos looga soo dego bulshada guud, sidee noqonayaa qofka la doonayo in aragtidaa waxbarasho soo saarto?.
Qofku waa unuga ay ka unkamto bulsho, sida uu noqdo qofku ayay bulshaduna noqonaysaa, sidaa darteed ayaa xoog la saaray qorqorida iyo qormaynta qofka.
Waxa yool laga dhigtay in la helo wax loogu yeedhay Muwaadinka wanaagsan (the good citizen). Qof qaynuunka iyo sharciga u hogaansan, qof aaminsan oo jecel jiritaanka dalka iyo dowladnimada, qof wax soo saarkiisu sareeyo, baahidiisuna yartahay, qof dareensan oo tixgeliya xuquuqda muwaadiniinta kale, qof wargashan (informed) oo si taxadar lehna ku codeeya, qof dhowra akhlaaqda mujtamaca, dulna u leh kala duwanaanshaha (Self-discipline and tolerant) iyo sifooyin kale oo aynaan halkan kuwada xusi karin.
Wax barashadu hadii aanay bulshada iyo qofka sifooyinkaas leh soo saarin way marin habowsan tahay. Lamana odhan karo waa nidaam aqoonneed togan.
Ma’aha ujeedada aqoontu keli ah inuu qofku yaqaano sida wax loo qoro loona akhriyo, waa in ay shakhsiyada qofka, fikirkiisa iyo sida uu nolosha u qiimeyo ay wax ka bedeshaa.
Labaatankii sano ee ugu danbeeyay waxa isbedelay waxyaalo badan oo lama taabtaan loo haystay, aduunkii ayaa isku furmay, bulshooyinkii caalamka ayaa isu wada muuqday, aqoontiina waxay u korodhay si aanay waligeed hore ugu kordhin. Waxa la noqday bulsho keli ah oo tartan adag iyo iscaabi ka dhexeeyo.
Hadii lixdan sano ka hor marka qofku xirfad barto uu noloshiisa oo dhan ku shaqaysan karayay, hadda xirfada uu bartaa shan sano gudahood ayay baarixi ku noqonaysaa oo lagaga maarmayaa.
Wadamo baddan ayaa waayahan cusub markiiba fahmay oo u tafo-xaytay sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen. Wadanka maraykanka ayaa hogaaminaaya aragti cusub oo lagu salaynayo nidaamka wax barashada casriga ah ee la talaab sanaysa qarniga 21aad. Wadama Singapore, Denmark iyo South Korea ayaa iyagnuna ka sii hor maray Maraykanka.
Aragtidan cusub oo loogu magac daray Connectivism learning theory, ayaa waxay xooga saaraysaa in ardayga loo diyaariyo bulsho noosheedu ku tiirsan tahay Isgaadhsiinta casriga ah (The digital age). Waa in ardayga loo diyaariyo suuq shaqo oo isbedel joogto ah kujira (Dynamic market), suuq hantida ugu wayni tahay maskaxda qofka iyo fikrad curinta ( Human brain and creativity).
Ardaygu waa in uu dugsiga ku barto xirfado iyo awoodo uu keligii isku maamuli karo sida:
Waa in uu noqdo midd cod kar ah oo si fiican fariintiisa u gudbin kara isla markaana hannan kara kalsoonida dadka kale (good communication skills). Ardayga waa in nidaamka waxbarashadu baro xirfadaha lagu maareeyo nolosha; waa in uu noqdo qof si fudud isula bedeli kara isbedelka suuqa iyo noloshaba (flexibility), waa in uu noqdo qof maarayn kara mushkiladaha soo food saara oo aan si degdeg ah u hafan (Problem solving), waa in uu noqdo qof la dhaqmi kara dad ka dhaqan iyo qiyam duwan isagoon si fudud u maydhmin (social and cross -cultural skills).
Maaddado cusub ayaa kusoo biiray kuwii hore loo bari jiray ardayga, maadadahani waa daruuri, waxay ardayga fahamsiinayaan ahmiyada deegaanka iyo sida ay daruuri u tahay in la dhowro. Ardayga waa in sifiican loogu sharaxo tiirarka dhaqaalaha dalkiisa iyo waxa uu aduunka kale la wadaago iyo sida loo kobcin karo. Waa in uu barto halka wadankiisu kaga jiro aduunka, gobolka uu ku yaal iyo xadhiidhka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsheed ee uu la leeyahay aduunka kale.
Dhaqanka, Suugaanta,Hiddaha iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee cilmiga bulshada ayay muhiim tahay in la xoojiyo si aan loogu dhalan doorsoomin saqaafadaha xuduudka ka tallaabay ee aan la moosi karin, iyo in la yareeyo saamaynta dhaqannada qalaad.
Ardayga waa in waxbarasha hoose lagu baro aasaasiyaadka fayo-dhowrka, ka hortaga cudurada iyo nadaafada qofka iyo deegaanka. Dawaynta xannuunada waa mas’uuliyad lacag badan u baahan, waxaase lagaga hortagi karaa xannuuno badan wacyigelinta bulshada iyo ardayga.
Ardaygu waa in uu isku fillaado, aqoonta baadhi karo, macluumaadka shaandhayn karo oo kala naqayn karo si uu ugala soo baxo xogta nuxurkeeda oo uu ugu dabaqo xalinta mushkilad horleh ama sahaminta fikrad curdin ah (Critical analysis and Innovation).
Arrimahaas aan soo taxay maaha dhayal ah, waa agabka badbaadada bulshooyinka casriga ah. Majirayso ummad horumaraysaa hadii aanay qofka dhinac walba sidaa uga dhisin. Ummaduhu tartan iyo ismuquunin joogto ah yay ku jiraan waxaana guulaysanaya kuwa fahma, kana buuxsada kaabayaasha horumarka ee uu udub dhexaadka u yahay daryeelka, maalgelinta iyo dhisida Qofku.
Waxa is waydiin muddan, labaatankii sanno ee aynu soo dhaafnay maxaa u kordhay nidaamka tacliinta dalka. Ma inoo qeexantahay nooca qofka aynu rabno inuu kasoo baxo waxbarashada dalka. Nidaamka waxbarashadu mayahay midd waajihi kara aafooyinka bulshada ragaadiyay ee ay ugu horayso Qabyaalada, qiimayn la’aanta nolosha dadka, aafada qaadka ee sida dulinka ugu faaftay bulshada iyo nidaamka siyaasada dalka ee saqiiray.
Hadiiba aynu in uun rabno in xaalada hadda lagu jiro midd ka roon looga gudbo waa in dib loogu noqdo Nidaamka waxbarashada dalka oo dhan. Waa in loo helo miisaaniyad ugu yara inoo jihayn karta dhinaca saxda ah, waa in dib loogu noqdo tayada, tamarka iyo how-karnimada inta dejisa siyaasada waxbarashada hadiiba ay jiraan.
Ardayga maantu ma noqonayaa muwaadinka wanaagsan ee berri, muwaadin hal-abuur leh, wax soo saar leh oo wadanninimo leh.
Aqoontu waa barbilowga dowladnimada iyo dadnimada, isbedelkastaa waa inuu ka bilowdaa dib u sixidda Waxbarashada.
ALLAH MAHAD LEH.