Joojinta Qaadka mise Jaadka iyo maalinta Ciida? (WQ: Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”)

Xukuumadda iyo maamulayaasha shirkadaha dalka keena Jaadku waxay isla qaateen in muddo kooban oo ka horeysa maalinta Ciida ah la joojiyo keenistiisa dalka, iyadoo looga danlahaa in aanu ka qayb noqon waxyaabaha faafiya xanuunka COVID19.
Sida ay sheegeen dadka aqoonta caafimaadka ah leh waxa Viruska COVID19 uu ka kooban yahay Gal ka samaysan borotiin, taasi oo ah dufan,sida ay sheegeena biyaha caadiga aanay ka maydhi karin marka la cunaayo.

Sida caqli saliimka ahina noo sheegaayo Jaadku wuxuu soo maraa gacmo badan, marka laga soo bilaabo tan soo guraysa,tan kala xidhxidhaysa,tan kala naqaynaysa, kuwa ka naqaysanaaya ilaa iyo qofka cunaaya waxa marka loo eego intaasoo gacmoodna u badnaan karaysaa in inta badan Qaadka dalka yimaadaa aanu seegayn Viruskaasi, iyadoo aynu ognahayna in kolayada lagu iibiyo ay ka mid yihiin goobaha ugu badan ee ay dadku ku soo ururaan ee ay is buuraan.
Haddaba maadaama uu go’aankii lagu joojiyay ahaa mid la xidhiidha caafimaadka bulshada oo la gaadhay xiligii uu xanuunkaniba dalka soo gaadhay, balse aanay jirin kiisas badan oo la arkay, maxay noqonaysaa maanta oo la joogo in uu xanuunkii qarxay oo maalin walba ay xukuumaddu sheegayso kiisas cusub oo la helay iyo dad aynu jecelahay oo xabaalaha la geeyo, kuwaasi oo uu sahayday COVID19 ku?.
Xaqiiq waxa is barbar yaal laba aragtiyood oo ka kala imanaaya qaybaha bulshada,kuwaasi oo ku kala aragti duwan qoloba dhinacooda.
Tusaale ahaan waxa qolyaha ka soo horjeeda joojinta Qaadku ay u kala baxaan laba qaybood oo kala aaminsan sidan:-

* Kooxda koowaad waxay aaminsan yihiin in lagu waayay dhaqaale laga heli jiray sida cashuurtii ka soo geli jirtay dawlada dhexe iyo tan degmada Gebilay oo aanay labadaa dhinacba faa’ido ugu jirin, tiiyoo uu Jaadku si kastoo loola dagaalamo haddana dalka ku soo gala farsamo kale oo lagu cuno weli wixii dhib iyo dheefba lahaa.
* Qoloda labaadna waa ehlu marqaankii oo ka cabanaaya in joojintiisu aanay waxba soo kordhinayn oo uu bahalku ahaa quud awliyaad.
Halka dhinacyada kala taageersanaa joojintiisuna ay u kala qaybsamayaan labo kooxood oo mid ay tahay dhakhaatiir iyo culimo iyagu weligoodba u arkaayay in Jaadku uu yahay mukhaadaraad ay haboontahay in marleyba dalka laga mamnuuco,halka kuwa kalena ay yihiin kuwo leh ” inta xanuunkani jiro hala joojiyo “.

Si kasta iyo ujeedo kastaaba ha jirtee waxa ila tahay in aynu qaadano talada dhakhaatiirta ee ah in inta xanuunkani jiro aan la ogolaan in dalkeena uu soo galo maadaama ay muhiimadu tahay in dawladu ilaaliso caafimaadka bulshad lana kordhiyo muddada uu mamnuuca yahay oon maalinta ciidana dalka loo soo fasixin, haddii kale waxaynu ku xasuusan doonaa (Ciidii ay bulshadu kala qaaday xanuunkii ugu daraa).