Madaxda afrika markii lagu tartansiiyey xasuuq bahalnimo ah iyo noocyada ciqaabta aan weligeed caalamka lagu arag waxa kaalimaha hore soo galay madaxdan hoose:
= Iidi Amiin Daada (Yugaandha), wuxuu ku muteystay xasuuqii bahalnimada ahaa oo uu geystay ardaydii jaamacadda Makareeri iyo maxaabiistii dubbaha weyn madaxa lagala dhici jiray, ka dibna meydadkooda yaxaaska quraacada looga dhigi jiray
= Jean Bedel Bokasa ( Jamhuuriyadda badhtamaha Afrika), wuxuu ku muteystay wuxuu cuni jiray hilibka dadka xukunkiisa ku mucaaradka ah, baaqiga soo hadhana wuxuu u daadin jiray libaaxyo iyo yaxaasyo uu lahaa oo beertiisa joogi jiray.
= Micheal Mukambero ( Burundi), wuxuu ku muteystay xasuuqii bahalnimada ee uu u geystay beesha Huutuuga, oo uu ka diley 200, 000 oo qof. Huutuga ayaa lagu qiysaasaa inay 80% ka badan yihiin shicibka Burundi.
= Cali Saalax ( Jasiiradaha Comoros), wuxuu ku muteystay isaga oo sheegtay derejo Ilaahnimo iyo macallin wax walba yaqaan oo aan dabadii la hadal.
= Dr. H.K.Banda ( Malawi), wuxuu ku muteystay wuxuu sheegay inuu intuu nool yahay uu dalka madaxweyne ka noqonaya, markuu dhintana ay rooxaantiisu dalka ka talinayso. Hasayeeshee markay tiisii gashay isaga oo 90 jir ah, ayaa maxkamada la soo taagay.
= Axmed Xeyda (Muritaaniya), wuxuu ku muteystay, hirgelinta is-addoonsiga, isaga oo jideeyey in dadka madow ay ka hooseeyaan carabta cascas. Waxaanu fasaxay in dadka madow sida xoolaha suuqyada lagu kala iibsado.
= Semuel Doe ( Liberia), wuxuu ku muteytsay, markuu uu dalka inqilaabay, madaxdii uu laayey meydadkoodii, intuu gaadhi is-karoga ah ku guray ayuu bandhig carwo ahaan suuqyada u dhigay.
=ย Maxamed Siyaad Barre (Soomaaliya), wuxuu ku muteystay xasuuqii uu ka geystay gobolladii waqooyi, ee uu u adeegsaday calooshood u shaqaystayaashii shisheeye ee waday diyaaradihii lagu xasuuqay shicibkii deganaa waqooyi qaarkood.
= P.W.Both (South Africa), wuxuu ku muteystay hirgelinta caddaalad-darradii iyo kala sarreyntii shicibkiisa. Haddii nin madow ahi uu ku dhaco god ama ceel lagama soo saari jirin, oo lama samatabixin jirin, ee qabri ahaan ayaa goobta loo calaamadin jiray.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com
Tixraac: Tiirka Colaadda (2005), C/qadi Aromaโฆ.bogaga, 54-55.