Kaftanka Maanta: Caqabadaha sugaya dumarka Sucuudiga marka ay waddista baabuurta bilaabaan (WQ: Ina Siciid)

Shalay Boqorka Sucuudigu wuxu gaadhay go’aan taariikhi ah oo uu haweenka ugu oggolaaday in June 2018 wixii ka bilaabmay ay baabuurta kaxaysan karaan.

In kastoo ay war wanaagsan tahay in haweenku baabuurta kaxeeyaan, haddana caqabado door ah ayaa haweenka sugaya maadaama ay wadista baabuurta tahay duni ku cusub.

Nala daawo kaftan xiiso leh oo ah gabadh Sucuudi ah oo gaadhigeedii wadata iyo wixii kala qabsaday rag daba dhigtay oo doonayey in ay lambarkooda u reebaan. Waa sida ay xaaladdu noqon doonto marka ay dumarku bilaabay wadaysta baabuurta…kkk