Kaftanka Maanta: Maalin Madow (WQ: Ina Siciid)

Nin makhaayad fadhiya ayaa waxa soo ag fadhiistay nin kale. Isaga oo aan waxba waydiin ayuu shaahii hor yaallay ka cabay, kadibna wuxu ku yidhi “waar bal iska warran saaka?”

Wuxu ugu jawaabay “saaka aniga maalin xun bay ii tahay waayo saaka markii aan soo toosay biyihii oo ga’ay baan soo toosay, albaabkana wa la igu garaacay oo kiradii guriga ayaa la i waydiiyay iyo lacagtii korontada, kadibna wan soo baxay oo babuurki kaxayso ayaa is idhi isna wa la iga xaday, isla markiina xafiiskii ba la iga so garaacay oo waxa la ii sheegay in shaqadii la iga eryay, xaaskaygiina waxay itiri imikadaas i fur, waan so dhaadhacay oo makhaayaddan ban imi oo koob shaah ah baan dalbaday oo aan sun ku daray si aan u dhinto kiina adigaa iga cabay!