Kala-dirista Golayaasha Deegaanka iyo Kalsoonida Shacabka (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Haddiiba ay dhacdo saadaasha ah in la kala diro golayaasha deegaanka dalka, waxa dhici doonta inay shacabka ku qaabilaan sacab iyo mashxarad ka duwan ka arooyada lagu qaabilo ee farxda muujisa. Shacabku waxa ay ka ducayn doonaan qalbiga. Eedda kuwan la doortay ee keliya soo kordhiyey culays dhaqaale iyo dantii guud oo si shakhsi ah loo cunay waxa qayb ku leh dadka ka cabanaya oo waa kuwii soo doortay ee shalay markay isa soo sharaxayeen hor-yaacayey ee codka, lacagta iyo reernimada wax ku dooranayey. Ilama aha inuu jiro amaba way yartahay reerka keliya ee musharaxiintiisa ka fikiray inay yihiin kuwa ummadda wax tari kara laakiin aan ahayn tuug Ilaahay ay safaaradaha kala qaateen oo hore taariikhdiisa loo ogaa. Bal adigu qiyaas khaayin awood helay oo cod shacab ku fadhiya ama codka reerkooda oo aan cidna waxba isaga tirinayn. Xisaabtii Alle ayuu sugayaa oo keliya.

Duqii la Magacaabi jiray
Maayaradii uu Madaxweynuhu magacaabi jiray waxa ay ahaayeen kuwa lala xisaabtamo oo aan iska qaadan jirin goโ€™aan dhib ku keenaya shacabka ay maamulayaan. La xisaabtanku wuxuu keeni jiray haddii ay badato ashkatada laga qabo Maayarkaasi inuu xilka ku waayi jiray. Tiro ma leh inta Maayar lagu eryey cabasho dadweyne. Waxa aynu halkan ku xusi doonaa saddex qiso oo ku dhacay Maayaradii la magacaabi jiray iyo siday masuuliyada ku ahaayeen:

= Mid ka mid ah Maayaradii soo maray caasimad Hargaysa sagaashamaadkii wakhtigii dawladii Cigaal AHN, ayaa waxa dhacay inay dad shacab ahi ku dibad-baxaan dhul dan guud ahaa oo ay isku rasaaseeyeen nin la siiyey oo dhisanayey iyo nin deganaa goobta, rasaastii ayey dhawr qof ku dhaawacmeen. Dadkii ka ag-dhawaa goobta ayaa isugu soo baxay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan dhibta dhacday iyo ninka goobta danta guud laga iibyey oo xoog u adeegsanayey ka kale ee meesha deganaa. Warkii ayuu sii baahiey Tilifiishankii keliya ee wakhtigaasi jiray ee Hargaysa T.V, haatan se la baxay Space Channel. Madaxweyne Cigaal AHN ayaa warkii daawaday, markiiba wuxuu deg deg ugu yeedhay Maayarkii, ku xigeenkiisii, xoghayihii dawlada hoose iyo wasiirkii arrimaha gudaha. Kulan dheer ka dib Madaxweyne Cigaal AHN kumuu qancin dooddii madaxda dawladda hoose, wakhtina iskamuu lumin ee isla habeennimadii ayuu soo saaray war-saxaafadeed xilka lagaga qaaday dhammaan masuuliyintii sarsare ee dawlada hoose. Waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay inay madaxdu ku kacday iska horkeen ummadeed. Subaxnnimadii ayey wargaysyadii Hargaysa ka bixi jiray qoreen โ€œ MADAXDII DHULKU GALAAFTAYโ€.

= Waxa kale isna jiray Maayar soo maray caasimad Hargaysa oo ay dad kaga dibad-baxeen, meel sariibad ah oo dan guud ahayd oo qayb ka mid ah uu gancsato si hoose uga iibiyey. Ka dibna gancsatadii ayaa dadkii lacag qaali ah kaga kiraysay. Markaasay dadkii isla sariibadii mudaharaad ka dhigeen. Ka hor intii aanu dibad-baxu xoogaysan ayaa Maayarkii lagu wargeliyey dibad-baxa. Markaasuu orad kaga soo baxay gurigiisii isaga oo macawistii faraqa haysta oo xidhan kabo sandal ah ayuu soo gaadhay sariibadii., Markaasuu dadkii ururiyey isaga oo beerlaxawsanaya.

Waxaanu u ballan qaaday inuu yeeli doono siday doonayaan, basle ay mudaharaadka joojiyaan. Laba saxafi oo goobta ka ag-dhawaana wuu la heshiiyey. Sidii ayuu ku badbaaday. Marka la soo koobo labaadaa qiso Maayaradii la soo magacaabi jiray xilka qaadistoodu waxa ay ku xidhnaan jirtay cabashada iyo fal-celinta dhabta ee aan dhalanteedka ahayn ee ay shacabku soo gudbiyaan. Waxa se beddelay gole deegaan iyo Maayar leh waxa aan ku fadhiyaa codka reerkayga oo waxa aan doono ayaa samaynayaa. Nin baa laga hayeyโ€ WADAAD WELIMAYSTA WAXA BEDDELAY WAHAABI SHAQAYSTAโ€ sidaasi oo kale Maayar laga cawdo oo la eryo waxa beddelay Maayar aan la eryi Karin.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com