Kala-duwanaanshaha arrimaha keena sixir-bararka lacageed iyo kan maciishadeed (WQ: Xasan Xaaji Cabdi)

 

Sixir bararka lacagaha  iyo doorka Telesom ku leedahay

Tusaale ahaan haddii waddanaka ay ku yaraadaan Doollarka soo galaya ama lacagaha qalaad waxa qaali noqoda lacagta waddanka waase marka waxa kala iibsigu ku jaan go’an yahay lacagta waddanka oo aan ganacsatadu waxkale wax ku iibin karin.

Somaliland suuqyada kala iibsiga waxa inta badan lagu iibshaa waa Doollar sidaas daraadeed yaraanshiyaha lacagta Doollarku waxaay keenaysaa ama kor u qaadaysaa baahida loo qabo lacagta Doollarka madaama qofka wax iibinayaa uu kaaga iibinaayoo Doollar. Haddii aad kaash haaysatana waxa inta badan dhacaysa in uu kugu qaali gareeyoo madaama uu raadinaayoo faa’iido. Haddaba dadkii wax iibsanaayay waxay raadinayaan Doollar si’ ay u gutaan xaajadooda, waana sababta keenatay in Doollarku kor u kaco lacagteenuna aay qiimo dhacdo.

Waddamada isticmaala lacatgooda gudaha ee aan wax kale wax lagu iibin karin waxaay inta badan najaxaan marka ay lacagaha qalaad suuqa ku yaraadan. Marka ay ku bataan waxaay keentaa hoos u dhac.

Shirkada Telesom waxaay suuqa soo galisaa lacag Doollar ah oo dadki u fududeeynaysa in ay helaan Doollarkii ay raadinayeen madaamada gancsatadu ay wax ku iibinayso lacagta Doollarka. Kaash haddii aad sidato  waay kugu qaali gareeynayeen. Daawladdu waa daawlada kali ah ee raadinaysa in ay hesho  lacag qalaad ama u ooyaysa yaraanshiyaha lacago qalaad. Waxa la gudboon  daawladda in ay ganacsatada  ka joojiso in ay wax ku iibsadaan lacagah qalaad laguna amro in lacagta waddanka ay wax ku iibshaan.

Dhanka sharciga siyaasadda hagista dhaqaalaaha waddanka iyo dabagalista ee loo yaqaan (monitory policy) waxay sheegaysaa marka lacagta waddanku hoos u dhac ku yimaad oo qiimaheedu dhaco marka la joogo kala bedelashada waxa baanka dhexe la gudboon in uu soo xareeyoo lacagta oo la yareeyoo kaashka suuqa yaala ee lacagta waddanka. Maanta baanka Somaaliland ma awoodo intaas, xitayn ma awoodo in sariflayaasha uu maalin kali ah kala wareegi karo kaashka isagoo Doollar ku bedelanaya si lacagta waddanku gacantiisa dib u soo gasho. Ama Telesom kalama wareegi karo Doollarka ay hayso isaga oo ka iibinaya kaashska uu hayo.

Waxa shaqadii caadiga ahayd gabay waa Baanka Dhexe oo aay ahayd in uu meel-mariyo nidaamak wax-kala-beddelashada suuqyada iibka lacagaha, sidoo kale Telesom waxaay nidaam ahaan hoostagi lahayd sharciga Baanka Dhexe.

Haddaba kordhinta iyo in systemka laga saaro 100 Doollar wixii ka yar waxaay soo kordhinaysa kaashka Somaaliland oo awalba suuqa ku badnaa waana ka keenay in lacagta Somaaliland ay hoos u dhacdo oo tagto 9000 marka la barbar dhigo hal Doollar, waxaase la gudboonaa in Telesom lagu amro in ay soo daayso lacgta naqdiga, haadhka ah ee  kaashka Doollarka ah ee ay kayd ahaan u hayso si Doollarku suuqa ugu bato qiimaha dolarkuna hoos u dhaco.

Xasan Xaaji Cabdi

Dhaqaaleyahan

Hargeysa