Kala duwanaanshaha khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Kenya (WQ: Rashiid Odowaa)

Maalintii Isniinta ee bishan March ahayd 2021 waxa ka bilkaabmay Maxkamadda Caddaaladda adduunka ee ICJ ee Hague,dhegeysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Somalia isku hayaan ka dib markii ay sanado badan dib u dhacday waxay taasi waxyeello u Gaysatay Xidhiidhka labada Dal.

Haddaynu eegno mapka dooda ay ku muransanyihin labada dhinac Somalia iyo Kenya aagga ay ku muransanyihiin waxa uu dhanyahay (100,000kmsq) ma hayno wali heshiis noocan oo kale ah oo shuruucda caalamiga ah ku cad oo hore loo kala xukumay laba dal oo hore.

Sanadkii 2020 ayay markii ugu horraysay ee ay dhegeysatay dacwadda Somalia ay gaysay Maxkamafdda Caalamiga ah ICJ haddaba Kenya doodda ay qabto ayaa ah in xariiq toosan ay u raacayso Badda ku began,xarriiqdan oo toos ugu beegan dhigta 45 degree,waxa sidoo kale u isticmaala waddamada la jaarka ah Kenya sida Tansaniya iyo Musampique.oo iyaguna xarriiqda toosan u raaca xududda ay badda ku leeyihiin.waxa kaloo jirta inay Kenya ay doorbidday in badan in dhexdooda ay ku dhamystaan wada hadal halka ay Somalia ay diidday.

halka ay Somalia ku doodayso uga qiyaas qaadasho Xarriiq (Equsidant) oo looga qaadanayo habka ay xuduudka uga gasho badda kaas oo ku jiifa koonfur bari badda (Inidian Ocean) waxay leeyihin xeel dheerrayaasha Cilimiga badda (Mari time) waxay leeyihin waxa jira waddamo badan oo xadkoodu Tuuro leeyahay ayaa jira oo maaha wax sahlan in aayar la xukumo.waayo waxay leeyihiin markastoo loo dhowaado waxa uu bixinayaa jihooyin kala duwan.

waxaynu kaloo ognahay inay dawladuhu ay xaq u leeyihiin (12nm)marka laga tago inay sidoo kale 200 Nm inay wixii khayraad ku jira ay xaq u leeyihiin hadday tahay kaluumaysi iyo macdan baadhis labadaba.haddii uu waddanku badwayn afka ku hayo iyadu way ku duwantahay oo wixii ku began oo dhan khayraadkiisa wuu qaadanayaa.

Waxa kaloo xusid mudan Maxkamadda Adduunku ma laha awood fulineed.waxayna kiisaska ay garnaqdaa qaadan karaan Sannado faro badan.waxa kaloo Maxkamaddan u caado ah in waddankii doonaa ka laaban karo acwadda si kastaba ha ahaatee wax caadifad iyo maanta ayay dhamaan kartaa la odhan karo maaha ee waxaynu eegi doonaa mustqbalka danbe.

Tixraac

Rashid Odowaa

rashidsalan1982@gmail.com

063-4101213