Kala qaadista madaxwaynaha iyo golaha wakiilada waa maxay sirta ku jirtaa (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Tolow waa kan  buuqii batay ee waa maxay sirta ku jirtaa in la kala qaado labada doorasho, bal aan isku dayo aragtidayda.

Horta sida aynu ognahay doorashada laba taxaaluf ayaa isku haya, oo kuwa beesha caalamaka isku sheegaa inoo sameeyeen. Labada taxaaluf midwalba wuxu eegayaa dantiisa ee ma eegayo danta shacabka ama waddanka sida ay doonaan ha u dhigaan eh.

Taxaalufkan diidan dantoodu waxay ku jirtaa sidii labada doorasho mar u wada dhacaan, macnaheedu waxa weeyi  haddii laga helo doorashada waxa u sahlanaanays in ay waddanka qas ka abuuraan. Haddii la kala qaadose way ku adkaanaysaa in ay ina qasaan sidaas ayay u qaylinayaan ha moodin in ay dantaada ama danta waddanka u qaylinayaan.

Taxaalufkan kale ee jecel in la kala qaado kuna dhawaaqay  dantoodu sidaa ayay ku jirtaa, waayo waxay og yihiin in ay ku guulaysanayaan. Qolada kalena aanay qasi Karin.

Labada taxaaluf midna  uma danaynaayo shacabka iyo waddanka laakiin midwalba halkay dantiisu gasho ayuu yeelayaa.

Kuwan beesha caalamka isku sheegayaanaa waxay la qaylinayaan waxay ka xun yihiin nabadaa aad haysatid, waxay og yihiin  haddii labada doorashso lays raaciyo in  si fudud nabadaa yar  lagaaga kala tuuri karo, haddii kale ay adkaanayso in lagaa kala tuuro.

Haddaba inaga maxas ahaan maxaa inoo dan ah waayo nimankaas iyagu way tashadeen, inaga waxaa inoo dan ah nabad.

Labadaa taxaalufna aynu nidhaa ninkii roonow reerka u hadh,  waxaa inoo dan ah oo kale in aynaan kala raacin, ee aynu riwaayadoodaa daawana dee caalamka kaleba shucuubtoodu way  daawadaan, inaguna maxaynu isu mashquulinaynaa aynu daawano.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Umad Agoon Ah

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21Gmail.com