Sida lala wada socdo muxaafid iyo mucaaridba marka laga hadlaayo waaqiciga inama ay soo marin xukuumad ka waxqabad badan xukuumada kulmiye ku abtirsada ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo waana mid loo hayo cadaymo borobagaandho iyo afka-ka-tookh aan ahayn waana mid u sahlaysa in mar labaad dib loo doorto xukuumadda Kulmiye.
Sida ay wada ogyihiin dadka reer Somaliland xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay jirtaa wakhti ka yar intii ay jirtay xukuumada UDUB ama Rayaale, waxayna hirgelisay horumarka balaadhan oo dhankasta ah, hadday tahay kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha guddaha, dibedda iyo soo celinta haybada dhismaha ciidan ee waddanka.
Waxaan qoraalkeyga aan ku iidaami doonaa baydad ka mida gabay ga GEESI IYO GALAD EEBBE ee uu tiriyey Abwaan Sacad Axmed Xasan “Boodhle” oo ka sheekeynaaya raga Kulmiye ku jira iyo waxay ummadda sii gashadeen ee galad iyo abaala wuxuuna yidhi:
Nacas baa gol-nuuge nin raggii, kaama gaabsada e
Gaashaamo nimankaa degiyo, bananka gaaroodi
Burco iyo galbeedkeeda iyo ceeri gudda heeda
Gob weeyee halkii gole la yidhi, gobo’da hiilkooda
Carroogay garaaceen wakaa, giidi soo kacaye
Beer iyo yirroowiyo gar adag, gaar usoo baxa, e
Hadday gorof maggaabin hanbadaa, kalama guuraane
Gadhwadeena talliyaan oggahay, oo gar qaad wacane
Waxaa gocasho loo yidhi abaal, gudida weeyaane
Alle geesi weeyiye intuu, kaahin garab joogay
Ruug caddaa gu’ weyn baa raggii, seef la soo galaye
Garaadkiisa oo saxa go’aan adag guddoonsiiye
Gudgudaha sidii roob wuxuu, galowgu ooyaayo
Ninka guuldaraystaa wadnuhu, gawda ladi waaye
Gurmagoo in badan bay warmaha, nagu garaaceene
Afartaa gam siiyaye midkale, idin garwaaqsiine
Dadka guudka boorama degiyo, gacal wadaageena
Iyaguba hadday gawda tahay, garab rag weeyaane
Go’aankay mar qaataan haddana, kama gamiimaane
Gunburaha raggaa hawd ka xiga, geella wada maalno
Haantaba guntaa laga unkaye, gaadh ma kugu xeermay
Girriyaad bankiyo geerrisiyo, guban ilaa saylac
Wax la soo gucleeyaba markani, kuma gumeeyaane
Saaxil kaama guurta e waxay, guddi abaalkiiye
Ragga gobboladaa sool degiyo, geyiga buuhoodle
Weligood nin geesiya agtood, gawrac laga giigye
Sayidkii raggii goob la galay, ee gunnimo diiday
Gumaysigi shisheeyaha raggii, gamaska tuuraayey
Gabbaad weeyi goortaad darwiish, soo galbinayaaye
Cabdow goob xun kuma dhigo haddaad, garato taariikhe
Afar kale waxaan guud mar idhi ,gacale waayaabe
Anoo soo gunaanaday murtida, gees yar ka iftiinshay
Waxaan uga golleeyahay nin raggi, wuu i maan garane
Weligii rag waa goob xun joog, galalaf weerkeede
Geedkuba hadduu xidid adkayn, way gilgilayaane
Gal dad liqa ul baa lagu deyaa, teer intaad geline
Waa lagu gubtaa digo kolkay, dhamac guntii taalle
Muujad guuxday doonidu marbay, kula gadoontaaye
Gab intaanad soo odhan guntaa, laga sal gaadhaaye
Lama guuxo xaajow adoo, sahan ku guurayne
Hadduu geeddi niman kuu furayn, gibisha kuu saaro
Goor danbaad ogaataa godkaad, qaladay goodow
Waxa ay ku dhiiratay in ay noqoto xukuumaddii ugu horaysay ee qaybisay Darjooyin ciidan, sidoo kale Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay kor u qaaday Waxbarasahda, Caafimaadka, Wax soo-saarka Beeraha, Cadaalada iyo maamul daa-dejin, taageerada iyo dhiiri gelinta dhallinyarada oo ay ku dhiirisay in ay ka qeyb qaataan siyaasada waddanka waxaana taasi keentay in doorashadii golayaasha deegaanka ay ku guulaysteen dhallinyaro badan, isla sidoo kale ay golaha wasiirada ku jiraan xubno wasiiro dhallinyaro ah, shaqaalaha wasaaraddaha ugu badan waa dhallinyaro.
Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku guulaysatay hirgelinta Dhismayaasha Wasaaraddaha dalka oo markii hore ahaa guryo caadiya balse hada ay ka dhigtay dhismayaal iyo xafiisyo leh haykalkii dawladnimo, waxaana taasi lagu karan garaa Dawladda uu maraha adag u hayo Madaxweyne Siilaanyo alla ha daayee in ay ka dhabaysay balan qaadyadii wakhtigii ololaha doorashada.
La soco……
Qalinkii Cabdi Caawiye
shaywaal12@gmail.com
+252634115877