Kamaradaha Ammaanka Iyo Dugsiyada Waxbarashadda (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Kamaradaha ammaanka ayaa beryahan dambe loo adeegsadaa siyaabo badan, si loo ogaado meel ay hawli ka socoto. Kamaradahan ayaa markii hore loogu talogalay inay muuqaal duubaan oo lagu rakibo gudaha iyo dibada meheradaha, hudheelada iyo goobaha kale ee bushadu isugu timaado ee caasimada Hargaysa, ayaa ah kuwa aanay inta badan ogayn bulshadu. Kamaradaha qaarkood waxa ay muuqaalka ka duubaan waddooyinka u dhow goobta lagu rakibay.

Markii la arkay faaโ€™iidada ku jirta ogaanshaha muuqaallada goob kasta oo shaqo ka socoto, ayey dugsiyadii waxbarashadu u adeegsadeen inay ku rakibaan fasalada dugsiyada. Waxa aanay taasi maamulihii siisay inuu xafiiskiisa kala socdo fasalka kasta ardaydiisu siday wax u dhigayaan, macalinku siduu waxbarashada u gudbinaayo iyo guud ahaan jewiga ku xeeran fasalka uu macalinku casharka ku bixinaayo. Maamulaha ayaa shaashada xafiiskiisa ka daawanaya kolba fasalka aan deganayn ee macalinka iyo ardaydu isku buuqsan yihiin iyo kaalinta macalinku ku leeyahay buuqa iyo qaska fasalka ka jira. Dhawr dhacdo ayeynu qormadan ku eegi doonaa oo ay keentay kamaradaha ku rakiban dugsiyada waxbarashadu:

= Qiimeynta macalinka ee fasal-maamulida: maamuluhu wuxuu si fudud macalinka u tusayaa fasalkii uu waxbarashada ka dhigayey iyo siduu xaalkiisu ahaa guud ahaan, isaga oo soo bandhigaya muuqaallada ay duubtay kamaradu. Fasal fasal ayaa macalinkuu muuqaal ahaa loo daawadsanayaa, mana aha wax la dafiri karo. Halkaasi ayaa macalinku indhihiisa uu ku arkayaa siduu ahaa fasalkii uu casharka u dhigayey inay ahayd goob degan oo waxbarasho ka socotay iyo inay ahayd meel buuq iyo sawaxan ka socda sidii xero-jaadii aanay kala dambeyntu ka jirin.

Macalin badani lamay socon inay fasalkaay ku rakiban tahay kamaradi, marka la soo hordhigo muuqaalka laga duubay fasalkii uu ku jiray ee la sheego wixii uu khalday iyo wixii uu saxay, waxa dhacda inuu dugsigaasi ka firxado oo aanu dib ugu soo noqon. Halka ka kale ee fasalkiisu degan yahay (Class Control) ee si buuxda gacanta ugu haya fasalku uu shaqada ku negaado. Macalinka waxa saaran masuuliyada uu laba arrimood isku waafajinaayo, kow inuu ardayda u furfurnaan xagga wax-dhigista iyo wax is-weydiinta, hasayeeshee aanay ardayga isku fasaqmin ama aanay isla walaaqan.

Khabiir John Dewey oo ahaa nin aqoon durugsan u leh waxbarashada daโ€™yarta ayaa laga hayey โ€œBe Friendly not Friendโ€ oo nuxur ahaan noqonaysa in aan ardayga loo muujin saaxiibtinimo ilaa heer is-dhexgal ah, balse loo muujiyo furnaan dhinaca wax dhigista iyo wax is-weydiinta ku dhisan.

= Dagaallada Fasalada dhexdooda: marka ay dhacdo inay laba arday fasalka ku dhex-dagaalamaan iyada oo xiisadu socoto ee maamuluhu ka arko shaashada xafiiskiisa taalla, wuxuu markaba u diraa gacan-yareyaashiisa si fasalka laga soo saaro labada arday ee dagaallamay. Ka dib waxa dib loo soo celiyaa muuqaalkii qaabka dagaalku u dhacay iyo ka gacanta ku horeeyey, halkaasina waxa si fudud loo arkaa ardayga gacan-qaadka ku horreeyey. Waxaana lagu qaadaa ciqaabta uu mudan yahay ee dugsiga u yaalla.

= Buugta ardaydu kala xado: wakhtiyada lagu jiro nusasaacaha waxa dhacda inay ardayda qaarkood soo galaan fasalada ay ardaydu ka maqan yihiin, oo ay qaataan buugaagta daabacan, ka dibna ardaygu waayo buugiisii, ardaygii ayaa maamulaha uga dacwaanaya in buug laga xaday. maamulihiina wuxuu markiiba ardayga weydiinayaa fasalkiisa, waxaanu dib u soo celinayaa wakhtigii fasallada laga maqnaa. Waxa si dhib yar muuqaalkii uga soo baxaya ardayga fasalka galay ee buugga qaadanaya, sidaasi ayaa lagu soo qabanayaa kii wax xadayey.

= Dabagal Macalin oo xeeldheer: Macalimiin badan ayaa u arka kamaradan fasalka loogu dhex-xidhay inay tahay nooc khatar ku ah macalinka oo noqonaysa dabagal lagu talaxtegay oo aan loo baahnahayn illaa heerkaa in macalinka lagu qiimeeyo. Noocan dabagalka ahi wuxuu meesha ka saaray qaabkii caadiga ahaa ee macalinka lagu qiimeyn jiray ee ay xubno guddi ah oo aqoon durugsan u leh qaababka casharada loo gudbiyo ay macalinka fasalka xagga dambe u fadhiisan jireen si ay u qiimeeyaan wax-dhigistiida. Dhinaca kale maamuleyaasha iyo mulkiilayaasha ayaa u arka inay tahay habka ugu fudud ee ay u qiimeyn karaan macalinka fasalka wax ka dhigaya muuqaal ahaan iyo duruus ahaan ba. Waxa ay ku doodayaan inay rabaan inay helaan macalin isku kalsoon oo fasalkiisa maamuli kara oo casharadana si kalsooni leh u gudbinaaya.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
calicoomay@gmail.com