Kansar: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.4aad (WQ: Dr Cabdikariim D Xasan)

Sidee loo Maareeyaa Kansarka: 

“Wixii aad qarsataaba way ku qarsadaan”

Kansarka in la dabraa waxay u baahan tahay Feejignaanta Qofka iyo Fiiro dheerida Dhakhtarka:

Wax ka qabashada dhabta ah ee Xannuunka Kansarku waxaa udub dhexaad u ah wacyi gelinta bulshada. Waa in bulshadu hesho xog guud oo sax ah oo kusaabsan xanuunkan iyo saamayntiisa, astaamihiisa, khatar-dhaliyayaasha ka qayb qaata inuu qof ku dhaco iyo sida loo waajihi karo.

Xog sax ah oo la helaa waxay meesha ka saaraysaa khuraafaad iyo kutidhi kuteen fara badan oo dad badani xanuunkan ka aaminsan yihiin.

Macluumaadka saxda ah in qofku helo  Waxay u fududaynaysa in uu dhiirado oo si furan dareenkiisa u cabiro, dhakhtaradana talo u raadsado, wakhti hore inta aanay xaajo faraha ka bixin oo aanu gaadhin heer aan waxba laga qaban karin.

Wacyi gelinta bulshada iyo fidinta xogta ku saabsan xannuunkan waa mas’uuliyada hay’adaha caafimaadka u qaabilsan dowlada oo ay ugu horayso wasaarada caafimaadku, waxaa kusoo xiga oo mas’uuliyadi saaran tahay dhakhaatiirta iyo bulshada ra’yidka ah.

In guul laga gaadho Xannuunka kansarka dawayntiisu waxay ku xidhan tahay hadba heerka uu marayo marka la ogaado. Sidaa darteed waa in la hirgeliyo barnaamij-yada caafimaad ee lagu ogaan karo dadka halista ugu jira in uu ku dhaco kansarada qaarkood.

Sida aynu soo sheegnay waxa wakhti hore la ogaankaraa kansarka naasaha iyo ilmo-galeenka dumarka, kansarka qanjidhka barostaytka, kansarka mindhicirka  oo dhamaantood ah xannuuno hadii xili hore la ogaado wax wayn laga qabban karo in laga dawoobaana suuro gal tahay.

Waxa qayb wayn ka qaata ka hortaga iyo maaraynta kansar-ka in bulshada laga wacyi geliyo isla markaana la sameeyo xeerar lagu adkaynaayo isticmaalka iyo ka ganacsiga dhamaan waxyaalaha kor u qaada cudurka kansarka oo uu ugu horeeyo sigaarku, badeecada iyo wixii la xidhiidha isticmaalka tubaakada.

khamriga, cuntooyinka moorsan ee sida warshaqaysan loo farsameeyay( Processed food) iyo noocyo badan oo kimikooyin ah oo ay tahay in wasaarada caafimaadku aqoon u leedahay, kasbatona  khibradii iyo awoodii maamul ee ay ku xadidi lahayd in ay bulshada ku faafaan.

Kansarku waa xannuun u baahan in daawayn tiisa ay iska kaashadaan dhakhaatiir takhasusyo kala duwan leh oo mid waliba door gaar ah leeyahay. Waxaa loo baahan yahay dhakhaatiirta qaliinka ku takhasusay, kuwo ku takhasusay maaraynta kaarka( Pain management) kuwo ku takhasusay wax ku dawaynta raajada iyo kimikoodinka dila Unugyada kansarka ( radiotherapy and chemotherapy).

Sidoo kale waa lagama maarmaan in la helo kalkaaliso caafimaad oo tababar dheer u qaadatay ladhaqanka iyo u adeegida bukaanka kansarka.

Xannuunka kansarku wuxu leeyahay naxdin iyo anfariir dheeraad ah oo ka culus xannuunada kale, wuxuu nafsad jebiyaa qofka, xiisaha nolosha uu u qabo ayuu burburiyaa, waxana uu ku ridaa werwer sii cusleeya xaaladiisa caafimaad.

Culayskaas midd la midd ah wuxuu lasoo dersaa ehelkiisa oo iyaguna ay soo gaadho culays dhaqaale iyo mid nafsi ahaaneedba, duruufaha noocaas ah si ay ugu dhabar adaygaan  waxay u baahan yihiin in dhiiri gelin iyo taageero nafsi ah iyo mid maadi ahba loo fidiyo.

Waxa suuro gal ah in qofka xannuunkan qabaa uu u baahdo dhakhtar nafsi( Pychiatrist) ah oo si cilmiyaysan xaaladiisa ugala hadla, niyadiisa qiimeeya, dhiiri geliya isla markaana u sharaxa go’aamada ad-adag ee ay lagama maarmanka tahay in laqaato.

Hadii qofku xannuunkan ka guulaysto waxaa dhacda in xannuunku ka tago riiq ama kala dhantaalnaan laxaadka qofka ah (Physical Disability).

Tusale ahaan; qofkii qalliin lagu sameeyo ee laga saaro qayb xubnihii xannuunku kaga dhacay ah. Markan oo kale waxaa loo baahan yahay in la maareeyo kala dhantaalnaantaas (Physical rehabilitation and training). Waa inay jiraan dhakhtaradii iyo xirfadlayaashii kale ee howshaas qaban lahaa si qofku u dareemo nolol dabiici kusoo dhow oo lagu raaxaysan karo.

Qoddobka inta badan aan inooba tirsanayn ee qofka bukaanka ahna silica iyo saxariirka ku keena hadii kansarka la maarayn kari waayo oo uu ku fido jidhka oo dhan waxaa loo baahan yahay in la khafiifiyo kurbadiisa.

Waa in la wanaajiyo tayada nololeed ee qofka muddada yar ee u hadhay, waa cilmi iyo aqoon dhan oo u baahan takhasusyo gaar ah oo loo yaqaan (End of life palliative care).

Sidaa aynu soo sheegnay maaraynta xannuunka Kansarku waa mashruuc caafimaad oo balaadhan, waa howl u baahan siyaasad, maamul iyo hoggaan dawladeed oo dhamaystiran, maaha adeeg uu fidin karo dhakhtar keliya oo farmasi fadhiya ama cusbitaal yar oo gooni looleeyahay.

Waa mashruuc ay ka qayb qaadanayaan waaxo waawayn oo maamulka dowlada ka midd ah sida waxbarshada, caafimaadka, warbaahinta dowlada, hay’adaha ka hortaga xannuunada, diinta iyo awqaafta iyo ururada bulshada rayidka ah.

Nidaamkaas isku dhan oon jirin darteed ayaa keentay in dadkeena inta awoodaa safaro dheer u galaan si ay daawayn u heli lahaayeen. Iyadoo la ogyahay go’doonka dhaqaale iyo sharci ee wadankeenu kujiro ayay hadana bukaanka xannuunkan qabaa maraan dhibaatooyin adag si ay dibadaha ugu baxaan.

Waxaa hubaal ah hadii la heli lahaa hoggaan usoo jeeda baahiyaha dhabta ah ee bulshadiisa, isla markaana leh siyaasad caafimaad oo muddada fog ku aadan in maanta lasii dhigi lahaa aasaaskii beri nidaam dhamaystiran lagu dul-dhisi lahaa.

Waxaa hubaal ah in aan mashruucna maalin lagu dhamaystirin laakiin loo baahan yahay aragti fog iyo maamul hufan oo xaqiijiya aragtidaas iyo hoggaan sahamiya hirka loo socdo, taasina waxay keeni lahayd kalsooni lagu qabo in laga gudbi doono habqanka maanta haysta bukaankeena.

Allaa Mahad leh

Dr Cabdikariim D Xasan

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Kansar: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.3aad

Kansar: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.2aad

Kansar: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.1aad