Kas-Darran 1aad (WQ: Maxamed Xasan Daacad)

Cannab, waa qof qurux iyo qaayoba nasiib-u-heshay, waana sababta uu Cismaan horeba ugu sahan-sadday. Waxay la dhalatay shan qof oo ay iyaddu ugu yar-tahay, dhammaantood waa  wiilal. Inta uu Cismaan og-yahay ka sawkaw waxbarashadda Dugsigga Hoose/Dhexe iyo sareba, waxa u raacda barashadda xirfaddaha caafimaadka Iyo Cunto-karinta oo aanay inta badan hablaha dhigeed ahi aanay baranin.

Waa qof nasiib-u-heshay Hooyo maskax-furran, dhammaan guulaha dhinaca nolasha iyo wax-barashaddaba ee ay gaadhay waxa sal-dhig u ah Hooyadeed Xaliimo. Waxyaabaha ugu badan ee ay kala hadasho marka ay fasaxa isu-helaan waxa ka mid ah: in ay maanta joogto gurrii Aabaheed iyo Hooyaddeed, balse aanay taasi  berri jiri doonin oo ay noqon doonta Marwo reer leh, reerkaas-na hadba sida ay u dhaqdo uu noqon doono. Waxyaabaha ugu badan ee ay kala hadasho waxa ka mid ah habkii ay ula dhaqmi lahayd Sayga calafku isku simo haddii aanay teedda noqon, waxyaabaha bud-dhigga u noqda reer waara iyo nolol farxadeed oo ay gasho, kadib marka ay ka gudubto marxaladda shabaab-nimmo ee ay hadda ku jirto, doorka muuqda ee ay tahay in ay ka ciyaarto muuqaalka guud ee nolasha qoyskeeda iyo kaalinta ay tahay in ay mar walba taagnaato, si ay u muuqato in ay dareen-santahay masuuliyadda saaran.

Waxyaabaha ay inta badan kala dardaaranto oo ka mid ah arrimaha ay tahay in ay meel gaar ah  ku guntato ayaa waxa ka mid ah:

  • In ay iska ilaaliso in lagu xanto in ay tahay Qof dabeecad adag
  • Qof aan qiimayn ehelkeeda,Jaarkeeda.
  • In lagu xanto inay tahay, mid aan kasoo bixin waajibka ka saaran qoyskeedda iyo saygeedda.
  • In lagu tilmaamo mid aannu wanaagsanayn Sixadda guriggeedu, xiliyadda ay dadka kale soo booqdaan.

Dar-daaranka, hogo-tusaalaynta iyo wax-u-sheegga ay Xaliimo inanteeda kali ah ee uu Eebbe ugu deeqay ka sawkaw shanta wiil ay u joog-taynaysaa ma yara, waxaanay hal-hays u ah in haddii ay maanta dhimato ay noqoto gabadh isku fillan oo is-maamuli karta.

Cismaan, si uu si waafi ah uga helo xoggo lagu kalsoonaan karo, waxa uu wakhtiyo badan galiyay sidii aanay waxba ku seeganin Canab iyo macluumaadkeeda nolasha, taas oo keentay in xiliyo iyo duruufo adag oo kusoo dul-maray ugu dulqaato. Waxa niyaddiisa ku jirta in uu maalin uun ka dhabayn doono himiladdiisa oo aannu ku khasaari doonin. Waxa uu  qaaday talaabooyin dhawr ah, kuwaas oo kusii badsanayo kalsoonidda uu ku qabo in uu Canab kaga go’aan qaato in uu badheedhihiisa u caddeeyo oo aannu noqon isu-qabbe, aan loo qabbin.

Taladda iyo tashigga dhinacyadda badan ee uu arrin bidiyaa ma yara, balse natiijooyinka ayaa koobban, kuwaas oo mararka qaarkood dhaawacaya hankiisa iyo ujeedka uu leeyahay, waxaana uu ku laab-qaboojisanayaa in wax aan dhib loo marrin, aan la dheefsan, sidaas darteedna ay muddan tahay in dhib kasta oo soo gaadhaysa uu dul-qaadkeeda lahaado, isagga oo maanka ku yaha in uu helitaanka Canab kaga bogsan doono dhib kasta oo lasoo deristay xiliyaddii uu qal-qaalinta qorshan ku jiray.

Waxa ugu badan ee naxdinta iyo wer-werka ku haya, ayaa ah: in sidaas uu is-ba ugu oomman yahay Canab ay jiraan rag badan oo ka maal iyo moodba badan oo iyagguna dhinacooda dagaalka kaga jira, kuwaas oo ay suurag-galtahay in ay kaga guulaystaan ama ay dhinacoodaba u badato, maadama ay kala yihiin waaxid iyo wadar, suura-galna ay tahay in ay wadartu xoog-roonaato. Maankiisa si fiican bay uga  ka dhaadhacsan tahay in meel rag ku loolamayaa aanay xaalkeedu sahlayn, taas oo u baahan dedaal xooggan iyo qorshe-yaal meel-mar ah oo guul la taaban karo lagu hananaayo.

Waxa kale oo Cismaan si weyn uga taxadirayaa in ay arrintu sii baahdo oo ehel iyo asxaaba la wada ogaado, taas oo keeni doonta in natiijadda uu qorshahaasi kusoo gabo-gaboobo tognaan iyo tabnaanba sannado badan lagu sheekaysan doono.

Lasoco……..Qeybaha Danbe oo Xiiso gaar ah leh!
Waxa Qoray: Maxamed Xasan Daacad
Email:Daacad461@gmail.com