Khariidaddii Abiye : Tagtaddii, Taaganta iyo Casharadda Taariikhda (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Dad badan ayaa ilaa imika la dhaka-faarsan, khariidaddii Abiye Ahmed soo geliyay bogiisa uu Ku leeyahay Facebook. Kuwo kale oo, nasiib-darro, Xukuumaddu Ku jirto hoos bay u dhigeen arinkaas. Waxaan se jeclahay inaan maqaal idinkula wadaago duulaan Badda Somaliland lagu soo qaaday gaar ahaan Magaalo Xeebeedda Saylac.

Duulaankaasi wuxuu soo bilaabmay sanadkii 1946-kii wuu se dhicisoobay berigaa. Xiligaa hore, Gumaystihii Ingiriiska ayaa Itoobiya Kala hadlay inay soo celiso dhulkii “Hawd &Reserve Area”. Taa bedelkeeda in Itoobiya Badda cas afka loo geliyo oo loogu bedelo dhulkaas ay soo-celinayso ayuu Ingiriiska soo-jeediyay. Baaxada dhulka la soo celinayo iyo Ka Itoobiya la siinayo ayaa la isku-af-garan waayay. Itoobiya waxay codsatay badd/dhul (iyo dad) Ku teedsan Badda cas oo Ka bilaabma “Ceel-sheekh ilaa lawyo-caddo/Saylac (Fiiri khariidadda) Ingiriiskuna waa Ka diiday. Waanu fashimay arinkaasi waagaas. Taa se macnaheedu ma aha waa dhamaaday damacii.

Hadda oo la waagaas laga joogo in Ka badan 75+ sanno ayuu Abiye Ahmed, Raysal Wasaaraha Itoobiya, u holladay dhamaystirka qorshahaas isaga ah. Su’aashu se waxa weeyi, Ma “Hawd & Reserve Area” ayuu soo -celinayaa? Jawaabtu koobani waa “Maya”. Maxay kale ayaa lagaga bedelanayaa Somaliland? Ma se laga ogolaaday arinkaa Saylac Itoobiya? Xukuumada ayaa laga rabaa war cad kana hordhici maayo..
Haddaan ku soo noqdo Khariidaddii Abiye Axmed, aniga fahankayga taariikhda, wacyiga maanta iyo dhacdooyinka socda waxaan qabaa halka uu daarnaa duur-xulkai uu soo dhigay FB Abiye Ahmed tagtaddaas hore iyo taaganta maanta ayay la xidhiidha. Wuxuu soo dhigay Khariiddad aanay Itoobiya iyo Badda cas/Gacanka Cadmeed ee Somaliland waxba u dhaxayn. Wuxuu tirtiray dhulkii Somaliland (Fiiri khariiddada 2aad).Taasi waxay Ka dambaysay kadib markii MW Muuse Biixi qoraalka diidmada imaatinka Farmaajo u diray Itoobiya . Waddamo ay Ka mid yihiin Kenya, Eriteriya, Maraykan, Imaaraad/Sucuudi/Masar iyo Kuwo kale ayaa siyaabo Kala duwan ugu lug leh hawsha tan.

Dhanka kale, arinkani wuxuu xidhiidh Lidi ah ama leeg la leeyahay maqaal aan idin la wadaagay dhawaan oo daarnaa urur-goboleedka Badda Cas & Gacanka Cadmeed Kaas oo Masar/Sucuudigu wadeen ayna ku bahoobeen 7 dal oo Soomaaliya ku Jirto.Golahaas Bah-wadaagta Gacanka Cadmeed & Badda cas xukuumadeenu indhaha ayey ka qarsatay. Baraarug Ka yimid Maqaalkaas aynu Ka qornay iyo, Khayr Allaha siiyee, Warbaahinteena oo daba gashay ayaa u sabab noqday iney Xukuumadda JSL qoraal Ka soo saarto oo ay Ganafka ku dhufatay urur goboleedkii.

Sidii waajibkeenu ahaa waxaan idinla wadaagi doonaa maqaal kale oo arimahan Saylac Ka hadlaya oo haddii aan u arko in Xukuumaddu ay Ka gaabineyso xog-waranka ,xaqiiqoyinka iyo ujeedadda dhabta ah ee imaatinka Farmaajo, iyo damcan Abiye Ka dhaxeeya, aan oodda ka qaadi doono. Waxaan sidaa u leeyahay Xukuumadeena ayaan aaminsan nahay in culays dibadeed saaran yahay waxaanan si niyadsami ah u filayaa inay Ka garaabi doonto iney arimahan ugu dambaynta wada-tashi qaran, midnimo gudaheena ah iyo daahfurnaan Ku waajahdo. Sidaas darteed in fursad la siiyo ,malaha meesha, way Ku jirtaa ayaan isku qanciyey.

Aan u soo noqdo bildhaamin kooban oo ahayd dulucda qoraalkaygan khariidaddii Abiye ee Gar-darrada qaawan ahayd. Waa Khariidad kale oo fasiraysa taa hore oo aan caadka idiinka qaaday kuna salaysan taariikhda kor Ku xusan ee 1946-kii. Waxaan idin la wadaagayaa waa fahankayga gaarka ah iyo aragtidaydda qofeed oo aanan cidna ku metelin taas oo ah macnaha khariidaddii Abiye Axmed. Ciddii fahan kale haysa ama xog-ogaal ah iyaduna ha nala wadaagto. Si naba taydani uma aha kooto.

Ugu dambayntii, khariidada uu Abiye soo dhigay cid raaligelin Ka dalbatay ma jirto labada dhinac ee Jamh. Somaliland iyo dhanka Somaliya labaddaba. Dhawaan mar Khariidad kale oo badd-waynta Hindaya ee dhanka Somaliya ah ay W. Arimaha Dibeda Itoobiya Ku darsatay xuduudeeda ayaa DF Soomaaliya Ku qabsatay Isla markiiba taas oo ay raali-gelin Ka bixisay Itoobiya.

Khariidadda 1aad: Baydka Xuduuddii Itoobiya soo-jeediyay in lagaga bedesho “Hawd &Reserve Area”(1946)
Khariidada 2aad: Khariidaddii Abiye Ahmed Soo-geliyay naftiisa Facebook-ga.