Khataraha ka dhalan kara eryida ergeyga Qaramad-midoobay ee Soomaaliya eriday. (WQ:cabdi caawiye)

Inaad si yar oo fudud u erido ergey qaramada midoobay wadankaaga u jooga waxay la mid adigoo diidey qaramada midoobey. Intaasi waa iga afeefe aan Ku dego haddalkayga qaramada midoobay waa ururka ugu weyn ee dunida jooga waana kuwa wadana burburiya waddana dhisa waxay Ku shaqeeyaan awoodo la isku geeyey oo dunida ka kala yimi.
Soomaaliya waxa ay eriday ergeygii qaramada midoobay u fadhiyey Somalia Nicholas Haysom oo khabiir Ku cireystay oo Ku caadaadey qaramada midoobay iyo hawlaheeda.
Somaliya waxa ay Ku qaldantahay inay erido qaramada midoobay ergeyga u qaabilsan somalia waayo waxa ka horeeyey hadii ay qoonsadeen warbixinihii ugu dambeeyey ee uu ka gudbiyey ama habdhaqan ay saluugtay uu kula kacay waxay ahayd inay
1. Inay u gudbiyaan cidey khusyso ee ka sareysa.
2. Inay qoraal Ka gudbiyaan kuna lifaaqaan dhibka ay ka tirsanayaan.
3. Inay uga dacwoodaan dawladaha powerka Ku leh qaramada midoobay ee ay saaxiibka dhow yihiin QARAMADA MIDOOBEY.
Haddaba degdega eryida iyo hadaladii aad moodey inuu dad jaahiliina wax u sheegaayo ee RAISALWASAARE KHAYRE waxay sababi kartaa waxayaabo halis galin karaaya hanaanka dawladeed ee awalba khataraha badani hadheeyeen.
DOORKA AY QARAMADA MIDOOBAY KA QAADATO SOOMALIYA
1-askarta Amisom oo gacanta ku haya dhul badan oo dowladdu ay sheegato waxay hoostagaan Qaramada Midoobay.
2 Nabad sugida Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka.
3- ilaalinta iyo dacaytirka xarumaha Dowladda ugu muhiimsan askarta Amisom ee Qaramada Midoobay ayaa haya sida Garoonka iyo Dekada.
4- Afkaar wax ku oola dhaqaale badan ayay Qaramada Midoobay ku bixisaa degenaanshaha Soomaaliya.
Hadda hadii ay intaas oo dhan ay u qabato ma wax wacanbaa in aayar laska eryo ergeyga.
MAXAA KA DHALAN KARA EREYIDA ERGEYGA
waxaan wax lala yaabo ah dowladaada oo liidata inaad cidii ay Ku tiirsanayd aad si fudud u erido warqadna ugu dhiibto.
Haddaba saamaynta ugu weyn iyo khatarta ka dhalan kartaa waa
1. Qaramada midoobay oo ka caga jiida hawlaha ay ka hayaan Somalia inta FARMAAJO u hadha hadii taasi dhacdana waa farxad iyo raynrayn usoo hoyataycadowga Somalia oo ay ugu horeeyaan kuwa kasoo horjeeda nidaamka dawladnimo iyo kuwa xagjirka ahba.
2.Dhaqaale badan oo ka go’a iyo horrumarintii oo joogsata.
3.Shirirka caalamiga ah oo laga joojiyo
Dhinaca dawlada uu gadhwadeenka ka yahay FARMAAJOna waa u balanbal iyo hal jabtay oo ay waraabayaal kayn cidlo ah ka heleen.
Ergayga Qaramada Midoobay in ay Somalia erido waa mid ay xaq u leedahay, sababta warqada eriga ku xusan waxa ka muuqata inay dawlada Somalia ka cadhaysan tahay habdhaqanka ergayga.
Ogow galaangalka Aduunyada ee Somalia waxa muftaax u ah Qaramada Midoobay waxyabaha ugu muhiimsan ee Qaramada midoobay hayso waxa ugu weyn nabad ilaalinta.
Garbay u leedahay dawladu inay dalkeeda ka erido cidii ay u aragto khatar Guddaheeda waxyeelaynaya waa mid lama taabtan ah balse Arimaha diploomasiyada inaan la garab marin dariiqyada loo raacayo waa muhiim iyo biyo kama dhibcaan.
W/Q Cabdi Cawiye
+252634115877