Kulankaygii Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo weedhihii aan isweydaarsanay (WQ: Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan)

Jihadii dooda ayaa woxoogaa naga luntay dhowr jeer, oo markii aan Su’aal ku haboon mansabka wasiirka Arimaha dibada ee Somalia oo aan is leeyahay xog ama jawaab ka duwan ta dadka caadiga ahi hayaan ayaad ka helaysaa, uu iigu jawaabay mid la mid ah macluumaadkii dadka caadiga ahi hayeen.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Somalia Ahmed Isse Awad: Dabcan qof furfuran oo asxaabnimada ku fiican ayuu iila muuqday, Intii aanu wada joognay wuxuu jeclaysanayay inuu isagu inta badan hadlo oo aanu dhagaysano. Midh iyo lababa aan idinla wadaago intii aan ka xasuusto kulankaa kooban ee na dhex maray aniga iyo Ahmed Ise Awad. Muu ahayn kulan official ah, ee waxaa in aanu shaah wada cabno kula balamay nin aan anigana asxaab dhow nahay oo aanu Sweden ka wada nimid mudadii uu shirka Somalida ee Belgium uu socday isagana ay asxaab ahaayeen.

Wuxuu aaminsanaa in Dagaalka tuko raq ay Somaliland wado, xiligan la joogana dagaalada iyo waxaas waa laga ilbaxay oo bulshooyinka xadaaradoodu hoosayso ayaa dagaalama. Markaa inuu nin hogaamiye ahi xiligan dagaal abaabulo waa arin khalad ah ayuu yidhi isagaa ka hadlaya hogaamiyaha Somaliland.

Wasiir mar hadii aad dagaalada badownimo xadaaradeed ku sheegtay maan la odhan karin SOMALILAND way ka xadaarad horaysaa Somalida inteeda kale mar hadii ay xakameeyeen dagaaladii mar ka wada bilaamay Somalia ayaan si kooban u waydiiyay? Maya taas lama oran karo, waayo dadka meesha wada dagani waa dad isku mid ah, Ina Cigaal iyo kooxdiisina rag shaqada garanaya ayay ahaayeenoo, taas ayaa u sabab ah.
Wuxuu ku dooday in dhulka qabaa’il loo dagan yahay oo dhulkaas Sool iyo Sanaag dadkooda loo dhaafo maadaama ay hayb ahaan is xigaan dhinaca Puntland.

Waxaan waydiyay sida uu u arko hadii ay Somaliland, Ethiopia kula doodo in dhulka ay dagan yihiin dadka reer Somaliland lagu soo daro xagan Somaliland ama Ay Djibouti doodaas mid la mid ah ku tiraa wadamada deriska la ah? Maya maya arimuhu way kala duwan yihin, waxaan ka hadlaynaa waa wadankii Somalia gudihisa ayuu hadalka iigu soo koobay.

Laakin Somaliland waa wadan ku soo biiray Somalia 1960 oo xuduudo caalamiya leh, mana aha REER ee waa reero kala duwan oo isku dan ah. Hadana waxay ku doodayaan inay wadankoodii dib ula noqdeen xuduuduhuna waa kuwii, dadkuna waa dadkii idinku soo biiray xiligaas, waxaanay la xeer yihiin kaa Djibouti ama Ethiopia?

Arintu sidaa aad u dhigtay maaha, Somalina way is taqaanaa cid walbaaba halka ay dagan tahay, ayuu ku jawaabay wasiir Awad.

Intii aanu wada joognay waxaa uun igu jirtay inaan la hadlayo ama la doodayo masuul mansabka uu sheeganayo iyo dooda uu ila wadaagayaa ay aad u kala fog yihiin… Waayo doodaasi waxaan kala kulmaa marar badan asxaabtayda reer Puntland, xataa maaha dadka kalee Somaliyeed.