Kun anoon ka deyn baan berrina, sii kordhinayaaye! Qaybta 2.aad ee gabayga Af-hayeenka Sompower Tiriyay (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

“Kun anoon ka deyn baan berrina, sii kordhinayaaye!”
Qaybta 2aad ee gabayga Af-hayeenka Sompower Tiriyay

Af-hayeenka SOMPOWER ayaa gabayga ku tebinaya meerisyo u dhigan tiraab ahaan sidan: “Wasiirka Macdanta iyo Tamartu waa saamileyda Sompower, waanu ka kabayaa. Annagaa kooto ku haysannaa 8da qaybood ee Hargeysa. Dhawr guri oo kaarakoone ahi waxba maaha. Ciddii jiidda xadhigga korontada waa la xidhayaa.

Shirkadaha eegga soo hambabaray ee korontada Hargeysa nagu cidhiidhyayaa waxa ay kala yihiin:
1. Telesom: Waxa ku filan Somgas, Kaabsan iyo Daarasalaam
2. Indhabirtu: Ha iimaansadaan kaalmaha iyo dukaanka
3. Gaafane: Kabadhka qaadka, kaalinta iyo kiilooyada fujiska ah baa ka badan

Ugu dambayn waxa aan leeyahay
1. Ma nihin shirkad aqbali karta wax ka yar $10. Maxaa laga maacaashayaa? Ha iska jaraan dabka kuwa aan $10 bixin karini. Faynuus ha shitaan.
2. Saacadaha Jarmalku waa kuwo gaabiya, kuwa Shiinaha ee yaaca ha la iibsado
3. Marka roobku da;ayo ha isku xoqina korontada, ka dheeraada biraha aanu waayirka hoolan ku xidhnay, ciddii ku dhimataa iyadaa is-dishay
4. Shaqaalaha aanu erinaa wax xaq malaha. Ciddii dacwoota ee wax loo xukumo waxa aanu ka qaadan doonnaa rafcaan ila meerayso ah”

Waa kan gabaygina:
Waa kaabe noo kaalin-galay, wuu na kabayaaye
Kalsoonida wasiirkaan ku helay, kaarto gooniya’e
Koodbuur dhulkaa May anaa, kow ah idilkoode
Kufka Juun illaa Gacanlibaax, kooska Ina Haybe
Kobta Macallin Haaruun amaba, kaaha Ina Mooge
Karintiyo anuun baa u shida, koonahaa Dhagaxe
Kurdi waayir kii jiida een, taas ka kari waayo
Kidfa xadhigga iyo waa la odhan, kaybal boolliya’e
Waa katiinad lagu qabtiyo, “keena gudahaase”

Kooxdayda lama loollamaan, qaar kudloo yimiye
Telesom karbaashkaa ku dhacay, way la kuududiye
Kaabsan iyo Salaamiyo Somgaas, yaan karkaar-jebine
Taleefanku inuu kaafiyay, Kaysarow tahaye
Gaafane kurkaan gooyay oo, kaalka lagu shiishye
Kimistooda waa ay ka heli, tobanka kiilooye
Waxa kabadhka soo dhaafiyaa, waa kibraannimo’e
Indha-bire karbaashkii la baday, wuu kadeed maraye
Kurdadaha dukaannada gaduu, iibin karayaaye
Inuu kaalin iimansadaan, Keyse talinlaaye

Waa kaalax agabkaa Jermani, lagaba keenaaye
Kashu Shiinahay jamatay iyo, kaaba qiimaha’e
Kaynaanka saacado gaboo, kaadibaa jira’e
Kiiloo-waat waxaan toban ahayn, waan kordhinayaaye
Tiro kuumi gaadhayn anaan, “keena” odhanaynne
Kambal waayir hoolani maray, qaar kallahayaane
Korontadu hadday aadmi nool, kawda kaga siiso
Danabkaygu ruuxuu kojee, laydhku kala gooyo
Konton shilin anaan siinahayn, koorruhuu dilo’e

Shaqaalaha kolkii aan eryeen, kaarka lala yoomo
Kuwa kiis maxkamadeed furtee, buuqa igu keena
Kuuskuu garsoor igu xukumo, waanan karahaynne
Karahiyo rafcaan baan ku tegi, kaabaddaa sare’e
Kalba xaakinnada jooga baa, ii kitaab deyi’e
Ma kol baan guddoonsiin wuxuu, maanku kohanaayo?