Laascaanood ilaa Hargaysa (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

Isaga oo shuuxu da’aayo ayaan gaadhiga raacay. Waddada shaqada culusi ku socoto ayaannu nabar la dekaannay. Wax aannu sii shamaaxinaba, markii aannu xeebta Saaxil ku dhawaanay ayaannu roobkii ka baxnay. Lafteeda, waa (Berbera) e, iyo nawaaxigeeduba waa roobanaayeen, se markaas ayaan dhibicdu haynin. Salaadkii cishe iyada oo afka lagu hayo, ayaannu kaantaroolka Berbera ka baxnay.

In door ah kolkaannu soconay, ayaa jawigii roobanaa aannu ku soo noqonay. Mugdiga iyo daruurta ayaa is dhex galay. Guuxa gaadhiga, dabaysha dirta iyo xiinka taayirka ayaannu dhegaysanaynaa. Cid wada hadlaysaa ma jirto. Darawalka xariifka ah ee shookaanta isla xoodaaya, ayaan kursiga ku xigga dikriga ka hayaa. Alle amarkii, tuulada ‘Hunduse’ ayaannu ka cashaynay. In door ah ka dib, cagta ayaannu hoosta ka taabanay; ku dhaqaaji. Dawga sheekh–oo ceeryaanta, dhibica iyo madawgu is haysto ayaannu ku jimbacnay. Indhaha cadcad ee gaadhiga, ayaa tahli waayay in ay si awood leh ceeryaanta uga dusaan, dhulka iyo dhabbahana noogu iftiinshaan. Kolka saw ma aha in aannu cagta u dhigno, si dhibirsan inta aannu iskaga walaashaynana, nabadgalyo nafta ku ilaalino.

Waa tahaye, magaalada ‘Sheekh’ ayaannu nabadqab ku nimid. Badh ka mid ah rakaabka ayaa nagaga hadhay kobtaasi. Haye hadda, mar kale ku sii daynay taraagii. Dhexda annaka oo marayna, ayuu C/Raxmaan Nadiif -Guddoomiyaha Naadiga Ismaaciil Mire, ahna qabanqaabiyayaasha bandhigga buugaagta Laascaanood 2019 – ila soo hadlay. Martiqaadkii uu hore iigu soo martiqaaday bandhigga isaga oo xoojinaaya, rabana in uu ii sheego asxaabta aannu isasoo raacayno, iyo gaadhiga ay noo diyaarriyeen, ayaan u sheegay in Burco aan caawa u soo hoyan doono, rabana in martida Burco ka tegaysa aannu isa sii raacno; isaguna kuwaas igu ballamiyo.

Dhanka kale, dhalinyar aan tiro badnayn, ogaana soo bixitaankayga ayaa si gaar ah halka aan hadba maraayo ii soo wayddiinaayay. Gurigaan degi lahaa, casho, shaah iyo sheekaba diyaar ayaa lala sii ahaa, waan se daahay. Ugu danbayntii, 10:55 daqiiqo–oo habeennimo ayaannu galay Burco. Saddex lugoodda istaanka ku diyaarka ah ayaan ku booday, talefankana ugu dhiibbay ciddii i suggaysay si ay goobta ugu tilmaamaan. Loo sheeg. Alle gacmaha ma-gooyaan si garasho badan gaydhkii ii hor dhig. Gacmo furan, guri udgoon iyo maamuus gobeedba laygu sooryee. Nimco Yuusuf gabadh la yidhaahdo oo guriga lahaydna si wanaagsan iigu sooryaysay.

Salaaddii hore, anigoo ah nin gurigiisii uun ka toosay, ayuu isoo wacay dirawalkii uu C/Raxmaan Nadiif igu ballanshay. Saa hore ayaan ka boodaye, saddex lugood jidka maraysay guriga laygu soo weeciyay. Ku soo dhaqaajiyay, loona tilmaan halka ay i geyn doonto. Alle amarkii, xilli hore ayaabay ahayde, ii sheeg dirawalkii in martida aannu is raacayno qaarkood la suggaayo, sidaas awgeedna aan 10:30 ku soo laabto. Hagaag, Burco horeba nalooguma kala warrami jirine, shandadaydii intaan gaadhiga dhigtay, jid weynaha magaalada iska dhex qaaday. Makhaayadaha laga cunteeyo middood ka soo quraacday. Saa rag waa shaahe, makhaayad ay i bareen rag asxaabtayda ah, oo hore qaxwe waanaagsan aan ugu kuunyaday u soo hangagaaray. ‘Ganbadha’ ayay ugu yeedhaan, se waagii hore ‘Fadhixun’ ayaan odhan jiray anigu.

Qaxwe diiran haddaan ku dhuftay, odayaal meesha fadhiyayna hadalku teelteel noogu kala duulaayo, ayuu jidka soo maray wiil dhalinyaro ah oo aad u xarragoonayaa. Saas hadduu isha iigu dhuftay, ayuu laba iyo saddex goor inta hadba isoo fiirshay igu soo noqday. Saa salaan diiran iyo milgo intuu igu qaabilay, igu yidhi “waar saw ninkii Xikmaawi ma tihid?” ‘haah’ haddii aan ugu jawaabbay, ayaannu laabta is gelinay. Fadhigii ku noqo haddaan is idhi, ayuu gacanta i jiidayoo, ‘inna keen soo quraacanee’ hadalka iiga bilaabay. ‘waar hadda ayaan walaal quraacday, cuntana ma tawani; iga walee waan higaagsanahaye, saaxiibbaw ma awoodo e, gobanimo ha kuu sugnaato’ ayaan ugu tiraab ceshay. Saa dhaar iyo wacad uu ku maray in aannu soo wada quraacanaayo.

Isa soo raacnay. Beer, suqaar, furin, iyo wixii kale ee makhaayadda yaallayba naloo sheeg. ‘Laba beer Geel ah degdeg noola soo gaadh’ ayuu hadal ku idleeyay. ‘waar walay iga tahay; ma cuni karo’ ayaan ku tawaawacay. Ha sheegin. ‘soco adigu waxan ku idhi keen keen’ ayuu mudalabkii ku dhaqaajiyay. Cunisi ma jirto e, gelin si baahi la’aan ah faraha hadba u gelgelinay. Wixii Eebbe nooga calfay haddaanu ka cunay, ayuu haddana wiilkii igu yidhi: “Burco halkeed ugu jeceshay in aan maanta ku geeyo?” ‘Ninyaw magaalada waan wada arkayba ayaan u malayn–oo meel aan tawanahay ma jirto’ “Maya, meel ayuunbaynnu aadi” inta uu igu yidhi, ayuu ii soo taxay goobaha dadku jeclaystaan in la geeyo…..

Ugu danbayntii, Xamse Yaasiin Caamir, oo loo garan ogyahay Xamse-Aar, ahna wiilkan aan idiinka warramaayo, ahna guddoomiyaha shirkadda Dhaweeye ee magaalada Burco, ayaa noo wacay gaadhi. Saa inyar ka dibba, laba dhalinyaro ah oo akhyaar ahi gaadhi ay wataan, oo Ic-ga, caddarka iyo carafta ka soo kamkamaysaa naftaada u raaxaynayso, dushana baalash, maydhis iyo qurux loogu roonaaday nala soo joogsaday. Gundhada soo jarnay. “Baabu Rayaan” makhaayad la yidhaahdo, oo si cajiib ah loo beeray loona qurxiyay, ayaannu nimid. Dharabkii ay dhirtu la waasatay, iyo dhibicii maalmahanba dhaska ka maydhaayay isaga oo dhalaaliyay, dhirta qaabka loo beeray, iyo nimaadka kobta loo habeeyayna aad yaabbayso ayaannu nafta ugu yar raaxaynay jewiga macaan iyo laydha.

Shaah, bun, sharaab, quraac, iyo wixii yaallayba naloo sheeg, midkaayaba wixii niyaddiisu jamatay halhaleel u sheegay: anna Bun ku alaladay. Bartii annaka oo sheekada haynna, ayuu nin saaxiibkay ah, oo C/Risaaq Ibraahim Cabdi la yidhaahdo, dadkuna C/Risaaq-Hero u garan ogyihiin kadinka ka soo galay. Hawllo gaar ah iyo umuurro ayaa u socdaye, inta uu nagu soo weecday, ayuu igu salaamay “waar kaalay; magaalada miyaad iska soo gelaysaa uun?!!” Kaftan iyo sheeko badan halkii ku wada qaadanay. Labada wiil ee kale yaanad ilaawine; aan ku baro, waa: Cabdiraxmaan oo ku magac-dheer, “C-boy” iyo Ayuub Xasan Dhuuxyare, oo ah laba nin oo qiimahooda leh.

Muddo ka dib, ayaan ku soo laabtay xafiiskii shirkadda iyo ninkii darawalka ahaa warkiisa. “Weli cid ayaa la suggayaaye, aniga ayaa kula soo hadli doona e, magaaladaada iskaga jir” ayuu igu yidhi. Waa hagaag, Xamse iyo raggii ayaannu isa soo raacnay. Makhaayaddii Ganbadha ayaannu ku sooaabanay. Akhyaar kale oonnu is helnay ka sokaw, inta aannu xamaam qabanay ayaan jidhka ka soo maydhay, saa cadceeddaa kululayde, aan diiftii safarka halkaas ku reebay. La tukay duhur, suu Xamse yidhi “Aan qado tagno” ‘waar heedhe nin saas amateed u haya ma ihiye, sawnigan ilaa saaka wax uun waday’ ku yeh “Xaasha” soo baxnay. Makhaayadda “Cirro” meel la yidhaahdo nimid. “Hilib geel noo keen” ayuu judhiiba ku yidhi Xamse. Isna soo daadi!!

Soo qadaynay, dabadeedna shirkaddii ayaa nala soo hadashay. U tagnay. “Waa la baxayaa, asxaabtii la suggaayayna waa yimaadeen qaarkood, ee gaadhiga fuula” ayuu yidhi. Saadan kadinka Xafiiska uga soo baxay, mise raggaanu is raacaynayba kulannay. Waa: Xasan Maxmuud Xaaji “Xasan-Burco” Cali Maxamed Ibraahim “Cali-Dhanaaniye”, Nagiib Saleebaan Muuse, iyo laba nin oo la suggaayay, Waa Kayse Maxamed Xuseen “Kayse-Gallaydh” iyo Cismaan Ibraahim Warsame “Hurre-walanwal” labadaas la suggaayay mooyaane, intayadii kale gaadhiga soo fuulnay. Hurre -na gurigiisa ka soo qaadnay. Kayse oo waxoogaa shaqo ku yar daahayna makhaayadda Shiine-Kaare la yidhaahdo noogu yimid. Ragga qaarkii qadee, ka dibna sidaas kaga soo cid galnay Burco.

Maxaa xiggi doona?

La soco qaybaha hadhay.

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi

FG:Ninka sawirka igula jiraa waa Xamse-Aar, goobtu waa makhaayadda “Baabu Rayaan” magaalada Burco. 09-12-2019; subaxnimo.