Laba khalad ayaa ku jira beddelidda lambarada baabuurta (WQ: Cismaan Abokor Dubbe)

Khaladka koowaad: Lacagta beddelidda ee 60ka Dollar ah xaq looguma leh qofka shicibka ah ee hore u lahaa lambarka. Dowladuhu sharciyan xaq bay u leeyihiin in ay nidaam hore ku beddelaan nidaam cusub, laakiin dadweynaha kama qaadaan, tusaale ahaan: Marka ay lacagta beddelaan dadka lacagta hore haysta kuma khasbaan in ay 60 Dollar bixiyaan si lacagta la’ beddelayo loogu beddelo. Arintaasi waxay keeni kartaa diidmo dadweyne ama ugu yaraan naxli iyo naxdin.

Khaladka labaad: Lambaradan sumadda iyo baadi-soocda looga dhigay Gobolada uma wanaagsana amniga qofka baabuurka leh: qofku marka uu gobolkiisa ka tago ee uu gobol kale tago waxa la garanayaa qoladiisa. Tusaale ahaan Baabuur laga leeyahay Gobal-A, marka lala tago Gobol-D oo kiisii ka fog illeen qof ciil-qaba lama waayee sow lambarku sheegi-maayo qofka qoladiisa ama ugu yaraan in uu yahay dool koyto ah ama waageeni warma-qabto ah.

Kala qoqob, amni darro, gaadiid dhac iyo isu socod la’aan baa ka dhalan karta Gaadiidka la’ kala suntaday!

Waxa ka sii daran haddii aad baabuur ka iibsato Berbera oo aad Boorama la tagto waa in aad mar saddexaad beddeshaa lambarka, lacag kale bixisaa, kuna qortaa Baadi-soocda xaafaddiina.

Khatartahaas iyo culauskaas oo dhan shacabku ma qaadi karo. Sidaas darteed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay dib u eegaan labadan khalad, haddii kale waxannu u fahmaynaa mu’aamarad iyo in la doonayo in dadkeeda laga horkeeno Xukuumaddeenan cusub ee uu Caynaanka u hayo Madaxweyne Muuse Biixi.

WQ: Cismaan Abokor Dubbe