Lama filaan ka dhashay hubsiimo la’aan (WQ: Cabdikariim Sh. Maxamuud Cabdilaahi “Suldaanka”)

Maalin maalmaha ka mid baa waxa dugsi hablaha u gaar ah ayaa waxa fasal ka mida looga shakiyay in ay habluhu boorsooyinkooda ku sitaan waxyaalaha laysku qurxiyo.Shaqaalihii dugsiga ayaa bilaabay in ay baadhid ku sameeyaan fasalkii, kuraasta hore ayaa baadhida laga bilaabay, xaga Dambe ee fasalka waxaa fadhiday ardayad xariifada oo sanad walba fasalka ugu saraysa Laakiin intii baadhitaanku socaday ee aan iyada lasoo gaadhin oo dhan naxdin Iyo baqdin ayay gariiraysay, talow maxaa ku dhacay?

Intii iyada ka horaysay oo dhan lagama helin wixii la baadhay oo ahaa allaabta ay habluhu isku qurxiyeen.

Markii iyada lasoo gaadhay ayay boorsadeedii boga gashatay diidayna in la baadho shaqaalihii dugsiga waxay markiiba yidhaahdeen ardayadan ayaa Sita waxaynu baadhaynay, waa loo hanjabay waxana la yidhi boorsada keen, laakiin inantii way diiday in ay bixiso.

Iyada Iyo boorsadeedii ba Waa laysku kaxeeyay waxaana la geeyay xafiiskii maamulaha dugsiga, ardayadii markii xafiiska la geeyay lagana dhax saaray ardaydii ay isku fasalka ahaayeen way ogolaatay in la baadho, waana la baadhay.

Akhriste Maxaad u malaynaysaa in shandadii Inanta laga Helay?, Waa wax aynaan filanayn kaana ilmaysiin doonta hadaad qalbi jilicsan leedahay. Waxa shandadii inanta laga Soo saaray, hambadii nususaaca ardayda .

Yaab Iyo amakaag! markii la waydiiday waa maxay waxani waxa ay ku jawaabtay” waxa aan ka dhashay qoys saboola hooyaday Iyo walaalkay oo iga yar Ayaan Guriga kaga imaadaa wax ay cunaana ma haystaan, waxa aan maaalin walba u qaadaa hadhaaga nususaacaha ardayda, intaas ayay cunto ka dhigtaan,sababtaan baadhitaanka fasalka dhaxdiisa u diidayna waxa ay ahayd ,haday habluhu igu arkaan hadhaagan in ay igu qoslaan oo ay I caayaan.

Maamulkii Iyo shaqaalihii dugsigu oohin ayay isku dareen waayo wax damqay ayay la kulmeen, waxaana kusoo baxay wax lama filaana, kadib wixii ay qoyskeeda u qaban karayeen ayay u qabteen. Hadaad wax hubsato marar badan filan Waa ayaad la kulmi.

 

Qalinkii: Garyaqaan Cabdikariim Sh. Maxamuud Cabdilaahi “Suldaanka”

suldaancabdi4@hotmail.com