Waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka “Animal Kingdom”. Bahda lafdhabarleyda ah “Chordata”. Gaar ahaan bahda naasleyda “Mammalia”. Libaaxu waxa uu kamid yahay dugaaga hilib cunka ah “Carnivore”. Qoyska bisadaha waa weyn “Felidae”. Gaar ahaan xayawaannada leh maqaarka dhibcaha leh “Pantherinae group”, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Shabeelka, Harimacadka iyo Shabeel u eekaha. Bahda Cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan “Panthera Leo”. Asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa qaaradda afrika.
Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa: “Lion”, Halka Carabidana Loo yaqaano: “أسد”. Afka soomaaliga waxaynu u naqaana Labkiisa “Libaax”, “Dawri” ama “Aar”. Dhasha Iibaaxa waxaa loo yaqaanaa: “Caga baruur”. halka dheddigiisana loo yaqaano “Gool” ama “Adan”. Codka libaaxa waxaa lagu magacaabaa : “Gooh, Reen, Jibaad, jadeen iyo Hiinraag” waxaana laga maqlaa masaafo dhan shan mayl. Sidoo kale midka dhul aad u kala fog u kala goosha waxaa loo yaqaannaa “muudaa”. Badanaa wuxuu u nool yahay koox koox. Isagoo wax ugaansadaa habeenkii “Nocturnal”. Labka ayaa ka weyn dheddiga, sidoo kale labku wuxuu leeyahay shaash Kaas oo markuu gaboobo madaw isu badala. Maalintii waxa uu seexdaa 16 ilaa 20 saacadood.
Libaaxa cimrigiisu waxa uu gaadhaa 10-14 sanno. Culayskiisuna 130-190 kiiloo, halka uu dhererkiisuna gaadho 1.7-2.5. Maalintii waxa uu cuni karaa sagaal kiiloo oo hilib ah. Waxa uu leeyahay 38 hiddo-side. Badanaa waxa uu dhalaa hal ilaa shan ilmood, kuwaas oo ku qaangaadha saddex sanno. sidkiisu wuxuu gaadha 110 maalmood. Waxaana uu leeyahay 30 ilkood. xayawaankanni waxa uu kamid yahay xayawaannada hal calooleyda ah “Monogastric” kuwaas oo leh dhiigga diiran ”Warn blooded”. Saacadi waxa uu jari karaa 80 kiiloomitir. Waxaana Libaaxa loogu yeedhaa Boqorka kaynta “King of jungle”. Waana xayawaannada biyaha dharqada ama se Ku caba carrabka. Waxa uu uqaybsamaa laba nooc mid biyaha kunool iyo mid berriga Ku nool.
Ugu danbayntii libaaxu kama mid aha xayawaannada bakhtiga Cuna “Non scavenger”, balse wuxuu kamid yahay kuwa dadqaadka ah “Man eater”. Sidoo kale waxa uu kamid yahay xayawaannada uu rabbi qur’aanka ku sheegay. Qiyaaso lasameeyay waxaa lagu ogaaday in libaaxa aduunka ku nooli aad isu yaraanaayo, wakhti xaadirkana libaaxa caalamka ku nool waxaa lagu qiysaasaa 20,000 kun oo kali ah, Kaas oo badankiisa kunool qaaradda afrika. Waxaa jirta maalin loo dabaal dago libaaxa adduunka kunool taas oo ku beegan tobanka bisha sideedaad ee sannadkasta. Dalka laga helo libaaxa ugu badan caalamku waa dalka Hindiya.