Liidashada dadka, le’ashada xoolaha iyo loolanka siyaasadeed ee Somaliland (WQ: Maxamed Cabdi Sooyaan)Liidashada dadka, le’ashada xoolaha iyo loolanka siyaasadeed ee Somaliland (WQ: Maxamed Cabdi Sooyaan)

 

 

Dad waliba oo aduunyada  ku nooli waxay horummar ka ay maanta haystaan ku gaadheen is fahan ,wadajir iyo wax wada qabsi ay hooyo ugu tahay dawlada hadba hogaaminaysaa.maanta guusha reer galbeed lagu tilmaamo iy horumarkooda waxay ku tabcadeen maamul wanaag iyo sharci ku dhaqan waxaan xusayaa tixdii ku jirtay gabaygii Abwaan Cabdiraxmaan (Caato) ee ahayd Reer galbeed hangari  soo martay hogol ku gaadheen.

Maanta Somaliland oo 100% islam ah kuna hadasha af isku mid ah kana kooban dad tiroodu tahay 3.5 ilaa 4million ayaa gaar ninba afka u jeediyay xaaladan abaaraha eek u habsatay geyiga somalida iyo Ethiopia.waxaa wax lala yaabo ah in dadkii soomaaliland ee abaaraha iyo roob la,aantu haleeshay in indhaha kor looga laabatay iyadoo qasnada dawladu buuxdo maalin walbana la fulanayo mashaariic aan wax ay dadka iyo dalkaba kusoo kordhinyaan jirin,

Waxaa wax laga naxo ah:

  1. In ururrada reer galbeedka ama hayadaha reer galbeedka ee la shaqeeya dawlada iyo ururada maxaliga ahi maalin walba usoo bandhigaan ururada NGOs iyo dawladaba mashaariic aan wax khayr ahiba ku jirin.
  2. In siyaasad iyo kursi jacayl geedkaad istaagtoba kamaradaha iyo saxaafada looga waramayo hebel baan la socdaa iyo hebel ma ogoli
  3. Waxa wax laga naxo ah in aanay dawladu deegaanada haraadka iyo baad la,aantu halista ku hayso aanay wax ay uqorshaysay jirin, waxaa lacag laga qaadayo maalgashadayaasha Somaliland..

Maanta oo kale waxaa haboon in shicib iyo dawlad ba loo gurmado alle ayuun baa gargaareee shicibkaas dhimashadoodii  la arkay dad iyo duunyoba…..

Fariintaydu waxay tahay qof waliba oo reer islam ahi sadaqda qaadhaanka iyo gurmadka abaaraha haka qayb qaato.

 

 WQ: Maxamed Cabdi Sooyaan

Tell:+252-634861125