Ma aragteen carruur awoodleh (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Niman cashuuraha ka shaqeeya ayaa telephone igu wareeriyay, oo guri aan leeyahay ka qaadi jiray wax loogu yeedho macaashal macaash.

Intaa ay cashuur iga qaadayeen, sanad aan kala baaqaday ma jiro, sanadkan mooyee, cashuurtii keen mooyee wax kale ma garanayaan. Waxa kaaga daran, sanadwal ood u tagto cashuurta way kugu kordhinayaan, markaad ku tidhaa sabab?  Waxay ku odhanayaan, waxa nala yidhaa waa inaad kordhisaan cashuurta, cajiib.

Bari hore ayaan bakhaar haystay, markaas ayay ii yimaadeen oo ay yidhaahdeen, waxaa lagaa doonayaa macaashal macaashkii, waxan idhi waar bakhaarku waaba iska liitaa eh, adigu hadal iyo dhamaantii lacagtii way iga qaadeen, iyaga waxba kama galin, waa keen uun sida carruurta.

Hadalkii guriga aan ku noqdo eh, waan u  waramay oo waxaan idhi waar gurigii waa laga baxay, gurigii wax inoo soo saarayayna wuxu u baahanyahay, dayactir, markaa lacagtan aad iga doonaysaan, guriga ayaan ku habaynayaa si laynooga kiraysto oo uu wax inoogu soo saaro, lacagtii cashuurtana, marka la kiraysto bisha ugu horaysa idinka ayaa iska leh.

Bal hadaba nimankaa afgartaa waxay kaga dhagtay uun noo kaalay, ana waxaan idhi miyaynu muranaa, wax intaa dhaafsan ma hayo eh, bal hadaba dadow afgarta, anigu waan af garan waayay eh.

Iska dhaaf wax kale oo wuxuu iigu hanjabay, intaan stationka kugu xidho ayaad liinta ku dhex cabi.

Hadal iyo guntii shaqaalaha dawladu waa carruur, keen iyo kordhi uun ayuunbay garanayaan, midda kale carruurta waxay dheeryihiin, awood ayaa la siiyay, bal hadaba adigu ka lug baxay carruur kaa xoogbadatay.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com