Ma garanayo sababta ay siyaasiyiinta qaarkood socdaalka Eng. Faysal ee Brussels uga dhigtaan fursad siyaasadeed oo ay ku weeraraan (WQ: Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan)

Ma aqaan sababta ay Siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ahi ay fursad siyaasadeed oo ay ku weeraraan uga dhigtaan socdaalka Eng. Faysal ee Brussels, iyagoo og in waxa uu halkaas ka soo qabtay ay wax tar u tahay qadiyadeena.

Wuxuu ahaa daaci aad moodo inuu waxyigii munazalka ahaa faafinayo, buugaag iyo qoraalo kale oo ku sahabsan qadiyada Somaliland ayuu qof kasta oo uu la kulmo u hadiyaynayay, waxaa uu ahaa burji ama nuur shiiqiyay qolooyin badan oo shamac iftiinsanayay, Saacadii la ogaaday inuu Eng. Faysal Ali Warabe soo galay Brussels, dhamaan dadkii shirka Somalida loo qabanayay ka soo qayb galay,waxaa dhex galay guux iyo dareen ah in nin saamayntiisa lihi soo galay Meesha, hada sidaas oo ay tahay Eng. Faysal wuxuu si walba u cadeeyay in aanu shirkooda u socon oo aanu ka qayb galayn. 

Waxaa qaylo ku dhufta Abdi wali gaas iyo kooxdiisi, waxaa war war iyo walaac badani soo fuulay kooxo kale oo fursad ahaan u isticmaala maqnaansha Somaliland ee shirarka sida gaarka ah u khuseeya arimaha Somalia iyo Somaliland. 

Waxaanu kula kulmay Hotelka uu ka daganaa Brussels oo ka soo horjeeday hotelka aan anigu daganaa, wuxuu ahaa gudoomiye goobtiisa ku boqran oo cid kastaa ay soo booqanaysay, oo kuyuu loogu jiray salaantiisa iyo soo dhawayntiisa. 

Intii aan la joogay waxaa isku dabo marayay wariyeyaal badan oo mid kastaa uu rabo inuu waydiiyo sababta socdaalkiisa iyo inuu ka qayb galayay, wuxuu dhamaan u sheegay inuu halkan u jooga difaaca qaranimada Somaliland. Wuxuu dhoosha ka cadeeyay in aanu ka qayb gale ahayn oo aanu shirkan u socon laakiin uu dano kale oo taageero u ah qadiyada Somaliland u socdo. 

Aniga iyo Faysalba waxaanu marar badan ka qayb qaadanay kulamo gole ka fuul ah oo si guud iyo si gaar ahba loogaga hadlayay qadiyada Somaliland iyo Somaliya, Faysal wuxu ahaa mid taagan positionkii shacabka Somaliland ku ogaayeen, taasi waxay keentay in rag badan oo is lahaa Faysal wuxuu u socdaa shirkan iyo arimo Somaliland ka soo horjeeda ay niyad jab kala tagan.

WQ: Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan