Nin jilaaya oo caan ah, laguna yaqaanay kaftanka iyo sheekooyinka oo qosolna badnaa ayaa maalin qoraxdu aad u kulushahay ay saaxiibadii ku soo mareen isagoo xilli duhur ah ku fadhiya dhagax yaalay meel aan hadh lahayn.
Saaxiibbadii oo la yaaban meesha uu fadhiyo, ayaa markay u soo dhawaadeen arkay isagoo labada dhaban haysta oo aad u fikiraya. Way salaameen, salaantoodiina ugama jawaabin.
Mid ka mid ah saaxiibadii ayaa markuu ku soo dhawaaday garabka taabtay, jilaagii oo isla maqanina naxdin ayuu la booday, isagoo hadba mid eegay. Saaxiibadii oo wali yaabanina waxay weydiiyeen waxa ku dhacay iyo waxa uu qoraxda u fadhiyo. Waxay aad ula yaabanaayeen xaaladda ay ku arkeen jilaagii saaxiibkood ahaa.
Dhawr daqiiqo kadib, wuxuu ku yidhi “Ma la helayaa dhakhtar ku takhakhusay daweynta maskaxda, wadnaha, indhaha iyo dhegaha.”
Su’aashan saaxiibadii waxay u qaateen inay ka mid tahay kaftankii lagu yaqaanay iyo sheekooyinkii naadirka ahaa ee ay uga barteen, waxaanay ku yidhaahdeen; “Ma waxaad maqashay mise waxaad aragtay dhakhtar afartaas cudur ku takhakhusay oo dalka yimid?”
Jilaagii wejigiisii ayaa isbeddelay, indhihiisiina ilmo ayaa ku soo joogsatay, waxaanu cod hooseeya ku yidhi; “Waxa ii muuqdaa miyaan la arkayn? Xaaladda dunida ma waxaad tihiin kuwo aan la socon? Miyaydaan lahayn dareen aadaminimo oo damqanaya?” Saaxiibadii jawaabo kala duwan ayey ka bixiyeen su’aalihiisii.
Jilaagii sidii qof hurdo dheer ka soo hambabaray ayuu hadba saaxiibdii mid eegaa. Wuxuu arkay inay qoraxda oo kulul dhex joogaan, isagoo dhoollacadaynayana wuxuu yidhi “Inamariya aynu shaah doonanee.”
Wuxuu uga warramay inay u muuqdeen xaaladda dalkiisa iyo dalal kale oo ay isku duruuf yihiin dhibaatada lagu hayo iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Dhacdadani waxay i xasuusisay sida ay dunidu maanta ula dhaqmayso dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa ii muuqatay maaha afarta cudur ee ninka kaliyi ku takhakhusayo, sida uu u sheegay jilaagu saaxiibadii. Haddii ay sax tahay waxa uu sheegay. Dunida maanta aynu ku nool nahayna marka aragtida dalal badan aan yara daymoono, waxa la arkaa inay u baahan yihiin in loo helo tallaal caalami ah, taallaalkaas oo fikirkooda, dareenkooda, aragtiyadooda iyo maqalkooda wax ka beddelaya.
Talaalkaas oo ka hortag iyo daaweynba u noqon kara cudurka aafada ah ee haya dunida kale ee ugu wacan sababaha ay uga horjoogaan aqoonsiga uu xaqa u leeyahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla mar ahaantaana ay ugu garaabaan shacbiga Somaliland inay xaq u yeesheen la soo noqoshada xornimadooda.
Waxaan leeyahay tallaalka cudurkan doonistiisa iyo raadintiisaba ha iska kaashadaan culimada sayniska ee mawduuc kasta oo cilmi aqoonta u leh, si uu u noqdo mid waxtar u leh dunida.