Muslimiinta waajib waxa ku ah in ay soomaan maalinta ramadaan, haddaanay jirin cudurdaar u diidaya, sida qofka gaboobay ee aanay u suurtagalayn in uu soomo, qofka xanuunsanaya iyo qofka safar ku jira.
Dadka aan cudurdaarka u haysan in ay wax cunaan waxa ka xaaraan ah maalin ramadaan inay wax cunaan ama meheraddiisu maalin cunto ka iibiso dad aan cudurdaar haysan.
Culimadu waxay iswaydiiyeen ma bannaan tahay maalin ramadaan in cunto laga iibiyo gaalada? Culimadu laba mawqif ay iska taageen: kuwa banneeyey iyo qaar diiday.
Dooddani waxay hoos imanaysaa masalada usuuligaa ee leh: furuucda shareecadu miyey ku wajahan tahay gaalada.
Doodda masaladu waxay ka bilaabantay furuucda shareecada gaalada maku wajahan tahay, taas oo culimo badan ay qabaan inay soo hoos galayso.
Nawawi wuxu sheegay in jumhuurta culimadu qabaan furuucda shareecadu inay ku wajahan tahay gaalada. Kitaabkiisa (sharxi kawaakibu muniir) wuxu ku yidhi: gaalada diintaa loogu yeedhayaa sida; salaadda, sakada iyo soonka siday qabaan imaam Axmed, Shaafici, Ashcari, Raasi iyo hadalka cad ee Maalikiyadu.”
Dalladda midawga fuqahadu-mawsuuca fuqahaa waxay fatwodeen in aanay bannaanayn qof aan daruuro haysan in cunto la siiyo maalin ramadaan.
Faqiih Shamsuddiin Ramlu ayaa isna fatwooday cunta siinta gaalada maalin ramadaan inay tahay kaalmo dembiya. Wuxu aaminsanyey Ramli in gaalada furuucda shareecadu qabanayso.
Culimada qabta gaalada furuucda shareecadu inay qabsanayso waxay daliishadaan aayadda ka warramaysa gaaladii lagu cadaabay Saqara kolkii la waraystay inay yidhaahdeen: maanu tukan jirin, masaakintana maanu quudin jirin, xumahana ku wada ayaanu la wadi jirnay, aakhirana maanu rumaysnayn.
Culimadani waxay leeyihiin naarta waxa geliyey iimaanka ay diideen rumayntii iyo furuucda ay la iman waayeen, furuucdana soonkaa ka mid ah.
Culimada leh furuucda shareecadu kuma wajahna gaalada waxay leeyihiin furuucda waxa ka horreeya in iimaan lala yimaaddo oo Ilaahay SWT, ay rumeeyaan.
Aayadda Saqara ee loo daliishanayo furuucdu si guud ayey u warramaysaa, laakiin shuruudda soonka waxa ugu horraysa qofka soonka lagu leeyahay in uu muslim yahay. Dhammaan labada kooxood ee wadaaddadu masaladan ka taagan yihiin waxay isku waafaqsan yihiin in aan gaal soon uu la yimaaddo laga aqbalayn, sababta oo ah soonka waxa ka horreeya in uu Ilaahay rumeeyo.
Mad’habta Xanafiyadu waxay leeyihiin furuucda shareecada gaaladu soo hoos geli mayso, sababtoo ah asalkii baa maqan oo ah rumaynta Alle.
Doodda ah in aanay furuucdu soo hoos gelayn ayey ku banneeyaan in gaalada cuntada la siinayo maalinta ramadaan.
Dactor khaalid Muslix wuxuu fatwooday furuucda shareecada in aanay soo hoos gelayn gaaladu sidaas darteed maalinta ramadaan cunto la siinayo gaalka. Doodda furuucda wuxu leeyahay, “Waxa qumman qolyaha leh waa la siinaya maalin ramadaan afur, sababta oo ah gaalka soon waajib kuma aha, ehelna soon uma aha qof Ilaahay jiritaankiisa dafirsan.”
Culimada casrigu waxay ka jawaabeen dhowr su’aal oo isku khaanad ah: gabadha ehlu kitaabkaa soon miyaa lagu leeyahay? Dadka meheradaha ku leh dhulka gaalada maalinta ramadaan miyey xidhayaan? Shaqaalaha gaalada cuntada mal3 siinayaa maalin ramadaan?
Su’aalahani waa qaar casri ah oo dooddeedu taagan tahay. Gabadha ehlu kitaabkaa ninkeedu in aanu soon ku khasbayn ayey fatwodeen.
Meheradda dhulka gaalada ku taalla in ay maalin ramadaan gaalada wax ka iibin karto ayey fatwodeen.
Qofka shaqaalaha ah ee guri ama meherad ka shaqaynaya soon lagu khasbi maayo, meel uu cuntadiisa ku samaystona waa la siinayaa.
Waxa mamnuuc ah gaalku cuntadiisa in uu fagaare la yimaaddo maalin ramadaan.
Xigasho:sheekh rakuub
Bandhige@gmail.com