Maalmihii daroogada iyo Siminaarkii Maansoor Q.2aad (WQ: Akram Cabdala)

Markay duhur gaadhay iyadoo maskaxda laga daalay cadceedduna kululaatay, ayaa qof walba la siiyey (backet) yar oo alaabtani ku jirto oo 25 midh ayaa kusii dhex jira. Daadihiyihii siminaarka ayaa ii dhiibay bushqad waraaqo ah oo lasoo buuxbuuxinayo, (prepaid) lacag ayaa telka la iigu shubay fara badan. Si aan kooxaha mid walba u garaaco oo aan u waydiiyo su’aalo khuseeya alaabtan, sida ; ilaa caawa maxaa iska kaa badalay? Ma jeclaatay bahashan? Sidee dalka loogu faafin karaa? Wax ma ka siisay asxaabtaada? Iyo su’aalo kale oo aad u badan. Balse qofna maan garaacine anaa iska buuxbuuxiyey waraaqihii.

Bushqaddii waraaqaha ahayd ayaan guriga ku furay, ala badanaa waraaquhu. Waxay ishaydu ku dhacday waraaq la buuxbuuxiyey oo ku dhex jirta. Waan akhriyey waxa ku qoran magac dumar iyo ciwaankeedii oo dhamays tiran waliba laga wada jawaabay 30ka su’aalood ee ku qoran. Waan naxay Waxaan is waydiiyey tolow goormaa dumarkana siminaarka loo qabtay! Ma habeenkiibaa? Moojiye aad baan u yaabay oo meel baan ku qortay si aan u waydiiyo su’aashaa dumarka. warqaddaana waan qarsaday.

Sow habeenkii 1aad anoo guriga jooga maan furan alaabtii, miyaanan xabad yar kala soo bixin, miyaanan dibinta sare hoosteeda dhigin, anoo hahda iyo kulaylka la yaaban miyaanan saacadda qabsan, 5 daqiiqo markaan afka ku hayey miyaan dhulku ila wareegin, degdeg intaan u tufay miyaanan sariirta isku hubsan oo hurdo dheer maan galin. Aroortii markaan kacay miyaanan isku qoslin.

Siddeedii maalmood ee aan meeshaa tagayey ee kolba kooxo cusub aan la kulmayey, aroorbaan ugu tagay nin dhalinyar ah oo ku dhex dhacay hoolka. Markuu soo miiraabay ayuu yidhi “niyow anoon soo quraacan ayaan saaka laba midh oo bahashan ah cunay. Kaa waxa ka daran turjumaankii oo igu yidhi “saaka waxba ma qaban karo ee meeshaydii sii buuxi daroogadan ayaan ku bukoodaye” anna waxaan ku idhi “waar ingiriisiga aad uma aqaanee maxaynu yeellaa?” Wiilkii daadihinayey siminaarka ayaa yidhi “xal baan hayaa oo dadka codkooga ayaa la duubayaa (recording) ee iska hoyo” saan-caddaalayaashiina sidaas ayaa loogu sheegay. Dadka codkoogana waxa lagu duubay mobilo dhawr ah.

Maalintii 3aad rag waaweyn ayaa seminaarka kasoo qayb galay. Hadda garo oo dee maalin walba waxoogaa kharash ah ayaa la qaataa oo waa siminaar iyo caadadii. Maalintaa waxa la keenay mid ka gram saraysa tii hore. Kuwan gaalada ah ayaa noo sheegay inay tani ka gram sarayso tiihore. Oo markay afka galiyeen laba ka mid ah way matageen intii kalana mid waliba si gaar ah ayuu u cawday. Anna dabeecaddayda afka ma haysan aqaanno ee kolba su’aal qaawan ayaan gaalada kula dul-dhacaa. Maalmahan dambe aniga kolba bushqad waraaqo ah ayaa la ii dhiibaa oo waan soo buuxbuuxiyaa. Aragtidayda waxa ila qaba wiil aanu halkaa isku barannay oo iga darnaa kolba wuxu yidhaahdaa “maantaynu ugu darannahay oo shilimo ayeynu siisannay wexeenii”

Daadihiyihii simaanrka mid ag taagan oo soomaali ah ayaa igu yidhi xilli aanu nusa-saacaynaynay. waxaad u muuqataa qof waddanka difaacaya ee anaa wax ku tusi doona. Qoladan caddaanka ah waxba ha ku wareegin.

Inkasta oo aan ilaa xad soo koobayo dhacdooyinkaa haddana way ii suuroobi wayday inaan qormadan labaad ku soo koobo. Waxyaabaha qaarna waan ka xishooday inaan qoro. Wixii na kala qabsaday caddaankii la soco qaybtii ugu dambaysay…

No photo description available.