Maayar-ku-xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagowayne waxa uu noqday maqaar saarka Cabdiraxman Solteco dhaqaalaha ku urursado (WQ: Maxamed Aadan Seed)

 

โ€œMaayar-ku-xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagowayne waxa uu noqday maqaar saar Maayar Cabdiraxman Solteco dhaqaalaha ku urursadoโ€By Maxamed Aadan Seed

Maayarka caasimada Haargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid โ€œSoltecoย  iyo ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi โ€œCagowayneโ€ ayaa guud ahaanba ku fashilmay dhismaha wada madaarka caasimada hargeisa oo todobaadkii hore ay dawlada hooseย  bilawday dhismaheeda balse wadada ayaa istaagtay ka dib markii maayarka iyo ku xigeenkiisu dadkii xaafada ku war galiyeen in laga qaadi doono lacagย  ka baxsan cashuurta ku waajibtayย  taasina ay diideen dadwaynihii xaafadu.

Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa oo dhawr jeer dadku ku canaanteen hirgalinta dayactir lagu sameeyo wadadan ayaa ku fashilmay.Waxaana wadadan ay tahay wada labaad ee halbowlaha u ah caasimada Hargeysa, Maayarka Hargeysa Cabdiraxman Solteco ayaaย  ka dhigtay ku xigeenkiisa mid uu ku garaaco dadka deegaanka amarna ku siiyey in uu dhaqaale ka soo ururriyo dadka degan xaafadani iyo waliba dadka goobaha ganacsi ku haysta wadada agteeda, isagoo wadada madaarkaย  hareeraheeda dhigtay sanaaduuq uu kaga urursado dhaqaalaha uu ku sheegay in uu wadada ku darayo

Maayar-ku-โ€˜igeenka Cabdicasiis Cago-wayne waa masuul lagu yaqaano fudayd iyo kalsooni la,aan haysata naftiisa taasina ay ku sababto in uu si dhakhso ah isu bad-badalo taasina uu Cabdiraxman Solteco uga faaโ€™iidasto.

Lasoco qaybta danbe.

Qalinkii Maxamed Aadan Seed

Email:-Aadanseed2014@gmail.com