Madaxwaynaha Jsl Oo wareegto ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-292/042019ย uu ku magacaabay Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย  Aqoonteeda, Kartideeda iyo Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: ย ย ย ย ย ย ย ย ย  In ay Hanan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:ย ย ย  ย ย ย ย ย ย ย  La-tashi;

Waxaan Goโ€™aamiyey;

In Dr. Luul Jirde Xuseen Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Guddoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan uga mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore muddadii uu hayey xilka Qaranka.