Madaxwayne waxa loo baahan yahay Wakaalada Qaxoontiga, Barakacayaasha iyo Ka-Hortaga Masiibooyinka (WQ: Xasan Xuseen Cabdi “Haidaro”)

Mar haddi meesha laga saaray wasaaradi Dib-u-dejinta, Dib-u-habaynta iyo Dib-u-dhiska, waxa muhiima in la sameeyo Wakaalada Qaxoontiga, Barakacayaasha iyo  Ka hortaga masiibooyinka. Wasaarada Dib-u-dejintu waxa ay ahayd wasaarada shaqo wayn qaranka u haysa oo ka masuula isku dubaridka iyo daryeelka barakacayaasha gudaha dalka (IDPs), soo celinta dadka qaxoontiga reer Soomaaliland iyo maamulka qaxootiyada ajaanibka ah ee dalka jooga oo u badan dad Itoobiyaana iyo Yemani magaalada Hargaysa buuxiyay. Waxa kale oo ay qabataa isku dubaridka caawimooyinka binu’aadanimo ee ay bixiyaan haayadaha qaramada midoobay (UN agencies) iyo Haayadaha Caalamiga ah (INGOs).

Waxa aan u haystay wasaarad yar inti aanan ka noqon la-taliye Wasaarada Dib-u-dejinka iyo NRC oo wada shaqayni ka dhaxaysoo . Wakaaladu waxa ay masuul ka noqon doonta shaqooyin waawayn oo u baahan aqoon, qorshayaal iyo istaraajiyado wax ku oola, waxa ka mida cilmi baadhista masiibooyinka dabiiciga gaar ahaan abaaraha, qorshaynta, diiwaan gelinta iyo daryeelka qaxoontiga, barakacayaasha gudaha dalka, tahriibayaasha iyo dadka magan galyo doonka ah (Asylum Seekers). Sii wadida in barakacaaya loo suuro geliyo nolol waarta oo ay ugu horayso in dhul rasmiya la dejiyo, guryo ama jiigado loo dhiso, tababaro la siiyo ay ku xoogsadaan iyo in ganacsi loo abuuro  kuwa aad ka u liita iyo in adeegyada bulshada sida saldhigyo booliis, xanaanooyin, iskuulo iyo biyo la gaadhsiiyo.

Wasaaraddu waxa ay wax badan ka qabatay adeegyada baracayaasha iyo qaxootiga, walina fari kama qodna maadaama oo dalka ku nool yihiin 154,067 qoys oo barakacayaala dalka gudihiisa ah. Marka barakacayaasha dhul la siiyo rasmiya waxa kale oo wasaraadda oo kaashanaysa haayada NRC ka caawisa qaar ka mida barakacayaasha in dhulka sharci iyo mulkiyad loogu sameeyo taas oo ka dhigta dad dhulka sifo sharci ah ku mulkiyay.

Dhibta ugu badan ee Soomaaliland ka jirta ee aan dadku aadka u daraynsanayn waxa kow ka ah dadka barakacayaasha dalka guduhiisa ku barakay oo magaalo kasta hareeraheeda aad u degan, sanadkan 2017 waxa uu aha sanadki ugu barakacayaasha badna oo abaaruhu barakiciyeen  kuwaas oo gobolada bariga u badan una baahan in dib loogu celiyo xoolihii iyo beerihii ay ku noolaan jireen, dadkan muwaadiniinta ah ee xooluhu ka baxeen waxa ay u baahan yihiin qorshe dhow iyo mid fog oo wax laga qabanayo duruufahooda, si dib u xoolayn loogu sameeyo ama xirfado ay magaalooyinka kaga shaqeeyaan loo baro.

Qaxootiga dalka Soomaaliland soo gala waxa uu u qaybsamaan dhawr nooc oo kala ah dad mushkiladi dalkoodi ka soo kaxaysay, dad magan galyo doona oo dalkoodu bad qabo iyo qaar qaxoonti dhaqaale iyo shaqo doon ah. Waxa jira qaar kale oo tahriibayaala oo ay wado u tahay dalka Soomaaliland oo meelo kale u dhaafa.

Shaqooyinka waawayn ee wakaalada horyaala waxa ka mida:

  • Cilmi baadhista masiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan abaaraha iyo ka hortagooda;
  • Diiwaan gelinta barakacayaasha, tahriibayaasha ajaanibka ah iyo qaxoontiga dalka soo gala iyo la socod kooda;
  • Mushkida barakacaayasha gudahu waa mushkilad soo noqnoqata oo ay sababto abaaraha dalka ka dhaca marka waxa muhiima in la yareeyo ama laga hortago saamaynta abaaruhu ku yeeshaan xoolo dhaqatada;
  • In la sameeyo qorshe iyo istaraajiyad guud oo laga ga hortago abaaraha, laguna tacaalayo barakacayaasha abaaraha iyada oo la kaashanayo haayadaha caalamiga ah;
  • Dadka qaxootiga ah ee sida habqanka magaalooyinka dalka u soo gala kuna dhex milma dadwaynaha oo shaqooyinki muwaadiniinta ku cidhiidhiyay waxa muhiima in loo sameeyo xerooyin gaar ahaan Yamanida iyo Itoobiyaanka, taas oo shaqo abuur ay dhalinyartu ka heli lahayd xerooyinka loo sameeyo;
  • In barakacayaasha gudaha ee degan dhulka ku meel gaadha ah dawlada hoose ay siiso dhul rasmiya oo ay degaan, haayaduhuna ay taageero ka gaystaan in guryo ama jiingado loo dhiso iyo in adeeg bulsho la gaadhsiiyo;
  • In tabobaro iyo maalgelin ganacsi loo sameeyo dadka barakacayaasha dalka gudahooda ku barakaca iyo in qaar ka mida xoolo la siiyo si ay deegaanadoodi ugu noqdaan.

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

La-taliye wasaaradda Dib-u-dejinta

hhmadaxyare@hotmail.com

+ 252 (0)634418302