Gelbiskii Geeridda, Q.1aad (WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar)

Dhawaqa aan maqlayey wuxu ahaa mid aad u daran oo aan ku sigtay in ay dhagahu i qarxaan. Dhawr il-bidhiqsi gudaheed, waxa soo dhacday laambadii ii shidnayd, dabadeedna ku dul burburtay miiskaygii. Aniga oo naxsan ayaan day-mooday daaqadii qolka aan ku jiray, waxa meel durugsan iiga muuqanayey dab aad u weyn iyo uuro is-wata oo hawaddii wada qabsaday.

Bannaanka qolka ayaan u soo baxay mise waaba jaarkii oo wada yaacaya. Waxa mar keliya isla oogsaday oohinta iyo baroorta dadka. Marka kadib ayaan bushqadaydii gacanta la sii haleelay, dabadeedna cagaha wax ka dayey.

Waa meel aan ka fogayn xafiiskayga oo qiyaastii ilaa tobon guri dhexeeyaan. Waxa is-dhex daadsan maydad aad u badan iyo dhaawacyo culus. Waxa ay indhahaygu markiiba halacsanayeen hilibka dadka ee sida qurub-qurubka ah dhulka u quban. Gacan qof oo dhiiggu tifiqda hayo ayaa iyana indhahaygu ku dheceen. Hareertayda waxa aan ka helay madax soo go’ay oo indhihii qalaleen.

Qalfoofka gaadhiga gubtay ayaan arkayey oo meesha yaallay. Gaadhigu aad buu u bes- beelay oo ay adkayd in laga soo baadi-sooco biraha kale ee oogadda dhulka ku filiqsan. Waxa si weyn iskugu dhex daadsanaa quraaradihii jab-jabay, burburkii dhismaha iyo meydadka dadkii goobta fadhiyey.

Haa goobta waxa ka dhacay qarax weyn cabbaar yar ka hor, ka soo dhamaan magaallada gilgilay. Waxa meesha is-wada dhex yaacayey dad aad u tiro badan, askartuna waxa ay rasaasta u ridayaan kor iyo hoos iyaga oo la moodo in ay ka luntay xasiloonidu.

Waxa ii muuqday haween barooranaya oo qaarkood dhulka isla dhacayaan. Xaaladda goobtu waxa ay ahayd mid aad u adag, unna naxdin badan. Dhawaaqa dhooliga dhaawaca guraya iyo dhiillada meesha ka jirtay ee dhawaqeedu uu dhegahayga ku soo dhacayey, indhahaygana ku arkayey, aad bay iiga argagax- gasheen.

Waxa aad u fiiriyey madaxyada dadka goobta ku go’ay.  Aniga oo  arki karayey ilaa  sodomeeyo  qof  oo meydkoodu gubtay, qaar kalena jidhkoodu googay. Meydadka waa kala firidhsanaayeen, qaarkoodna wayba isku dhageen oo waxa hoos qul-qulayey dhiig aad u badan.

Anigu waxa aan durba bilaabay shaqo aan la ii dirsan. Waxa aan baadhayey gaadhiga goobta ku qarxay iyo raadka uu  reebay. Iyada oo ay aan uga gol lahaa helidda astaamo laga tix-raaci karo cidda fulisay qarraxa iyo walxaha  loo adeegsadayba.

Maalmahaas ka hor uun baan ka soo laabtay safar aqoon-korodhsi oo aan ku qaadanayey Saldhiga Ciidamadda Mareykanku ku leeyihiin Dalka Jabuuti.  Taas oo qayb ka ahayd waajibaadkayga shaqo ee aan ugu adeegi jiray shirkad ammaanka ka shaqaysa oo xarun ku leh magaalada Niyuuyook. Shirkadaas, oo si dadban uga caawin jirtay xarunta Nabad-suggida Soomaaliyeed arrimaha la xidhiidha xuuraanka iyo daba-gelka  fal-danbiyeedada caalamiga ah.

Waxa aan si deg-deg ah u xidhay gacmo-gashi cadcad oo aan jeebka danbe ee surwaalkayga tuutaha ah kuwatay. Waxa aan kolba is-taagay goobo kala duwan oo isla meesha qaraxu ka dhacay ah. Jiho kasta waan ka maray, waxa aanan siyaalo kala duwan u suureeyey sida gaadhigu goobta u soo galay iyo qiyaasta xawaaraha uu ku socdayba.

Maskaxdaydu waxa ay dib u xasuusatay goobtu sida ay ahaan jirtay: madal lagu qaxweeyo oo dhallinyaro badanina ku caweyn jireen. Wuxu ahaa hudheel si farshaxanimo ku dheehan tahay loo qurxiyey.  Kaas oo uu lahaa Guuleed Boocow oo aan isku niqiin qurbaha, muddo badana aan ka wada shaqayn jirnay arrimo la xidhiidha jaalliyada Soomaaliyeed ee dalka Kanada.

Aad ayay goobtu u gubatay, burburka baahsan ee indhahaygu qaban karayeena ma ay ahayn wax laga wada bogan karayey. Waxa soo dumay dhiska dabaqii labaad oo ay ku xidhnaayeen quraarado iyo biro ‘almuuniyam’ ah. Kuwaas oo si aan kala- hadh lahayn u soo daatay, dabadeetana dhulka ku saydhmay.

Cabbaar kadib, waxa aan dhex lugeeyey meydadkii goobta daadsanaa, anniga oo kolba mid ka dul-talaabaysanaya. Waxa aan u dhawaaday iridda hore ee laga soo galo hudheelka. Taas oo qiyaastii iila muuqatay in gaadhiga wax qarxiyey markii hore xoog ku soo jiidhay. Waxa aan eegay birtii ammaanka oo aan waxba qabin. Haddana waxa aan arkay qolkii ciidanka ilaalada goobta oo aan waxyeelo weyni aanay soo gaadhin. Waan yaabay!

Waxa aan baadi-goobay askartii goobta ilaalinaysay, mise waa dhaawac oo waxa lagula sii ordayaa dhooliga bannaanka yaal. Waan sii amakaagay! Waxa iga daaddegi weyday birta ammaanka ee dallacan iyo askariga dhaawaca la taahaya.

Inta aan beerka dhulka saaray ayaan xidhay muraayad madow, dabadeedna dhulka dhinac walba u jeedaaliyey. Meel aan sidaas iiga fogayn waxa aan ka arkay waraaqo ay dabayshu dhinac u eryeyso, kuwaas oo dhaqaaqoodu iga mashquuliyey  baadigoobkii aan ugu jiray walxihii qaraxa loo adeegsaday.Aniga oo ka niyad-jabsan waxa dhacay ayaan si hal-haleel ah gacanta ula tiigsaday buuggii yaraa ee dabayshu waday. Mise waa baasaboor aad u gubtay oo jeldigii sare iyo qaybta warbixinta qofkuba maqan yihiin.

Deg-deg baan ugu riday bac yar oo aan kala soo baxay bushqadii halka danbe ii sudhnayd. Waxa aan la soo baxay kamaradii dabadeedna sawirro badan goobtii ka qaatay. Inta aan telefoonkii dhegta saaray ayaan dalbaday gaadhigaygii shaqada.  Markii uu ii yimidna aan ka codsaday in uu igu simo xaruntii nabad-suggida Soomaaliyeed ee Muqdisho.

La soco

Cabdiqaadir  Dayib  Askar

University of York, UK

www.abdikadiraskar.com