Sucuudigu wuxu duqayn ku dilay 136 qof muddo 11 maalmood ah, waxa ku jiray taageereyaasha Cabd-Rabbu Mansour Xadi

Xulufada Sucuudiga oo ka aargoosanaysa dilkii loo gaystay Cali Cabdalle Saalax ayaa muddo 11 maalmood gudahood ah ku disha 136 qof oo Yemeniyiin ah, kuwaas oo aan wali loo kala saarin inta rayid ah iyo inta dagaalka ka qayb-qaadanaysay. Sidaa waxa lagu sheegay warbixin Qaramadda Midoobay ah.

Xuutiyiinta ayaa dilay khaarijiyey madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalle Saalax kadib markii uu sheegay in uu bog cusub u furayo Sucuudiga oo ay si ba’an isku hayaan Xuutiyiinta.

Weerarku wuxu dhacay intii u dhaxaysay 6dii ilaa 16kii Diisambar, wuxuuna beegsaday telefishan Xuutiyiintu maamulaan, cusbitaal, xabsi, xaflad aroos iyo guryo beero ku dhex yaalla.

Ilaa 12 carruur ah ayaa ka mid ah dadka ku qudh-baxay weerarkan. Sidoo kale ugu yaraan 45 qof oo daacad u ah Madaxweynaha la aqoonsan yahay ee Yemen Cabdi-Rabbu Mansour Xaddi oo ay Sucuudiga xulufo yihiin ayaa ka mid ah dadka ku geeriyooday.

Sucuudiga ayaa la filayaa in uu maalmahan sii xoojiyo duqaynta uu dalkaas ku hayo.

10,000 oo qof ayaa ku geeriyooday qalalaasaha Yemen waxaana macaluul hadda qarka u saaran ilaa 8 milyan oo qof.

Il-Wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com