Bile Rafle waxa si diirran loogu soo dhaweeyey Boorama

Maamulka magaalada Boorama iyo xubno ka tirsan waxgaradka bulshada ayaa si diirran u soo dhaweeyey Bille Rafle Guuleed.

Bille Rafle ayaa badhasaab ka soo noqday gobollo kala duwan oo Somaliland ah, waxaana lagu aaminaa in uu magaalo walba oo uu xil ka soo noqday oo kaga tagay qorshe-magaaleed wanaagsan.

Bile Rafle waxa duleedka Boorama ku qaabilay Badhasaabka Awdal, Duqa Magaalada Boorama, Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka dhaqanka Awdal.

Bandhige@gmail.com