Madaxwaynihii beertiisa qodan jiray! (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte“)

Jośe Mujica oo ahaa madaxweyne ka soo taliyey waddanka Uruguay oo ku yaala k Ameerikada Koonfureed ,waxa uu dhashay 20kii bishii May ee sandkii 1935 kii, wuxuuna dhashay isla waddankaas gaar ahaan caasimadda Montevideo. Sidoo kale ,tiro ahaan waa madaxweynihii 40aad ee xil ka soo qabtey waddanka Uruguay, mudo xileedkiisiina wuxuu ahaa intii u dhexaysay 2010kii iyo 2015kii (Shan sanno).

Sannadkii 2005 ta wuxuu guursaday Lucía Topolansky ,hase yeeshee wax caruurra isumay yeelan. Wuxuu horre waddankan uga soo noqdey Wasiirka Xaanaanada Xoolaha ,Beeraha iyo Kaluumaysiga ee waddankaasi ,wuxuuna hayay 2005tii illaa 2008 dii .
Ka hor intii aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa kooxihii kacdoonka ahaa Tupamaros ee kasoo horjeeday dawladdii waddankaas ka talin jirtey ee milatariga kali taliska’ah ahayd iyagoo diidanaa hannaanka ay dawladdu u dhaqayso bulshadeeda . Sidaa si lamid ah , waxaa uu xabsi ku soo qaatey 12 sannadood oo noloshiisa ka mid ah isla xilligii jabhadnimada.

Intaa waxa dheer ,mushaharkiisu wuxuu ahaa bishiiba Laba iyo Toban-kun oo doolarka Maraykanka ah ($12000 USD ) ,hase yeeshee, hal senti oo mushaharkiisa ah muu isticmaali jirin wuxuuna ugu deeqi jirey dadka dan yarta ah ee waddankiisa ku nool si ay u kafeeyaan baahiyahooda aas-aasiga ah .Halka isaga iyo xaaskiisu ay diideen in ay deggaan aqalka Madaxtooyada ee loogu talo galay madaxweynaha waddanka,waxayna degeen guri ay lahaayeen oo ka baxsan magaalo madaxda Montevideo .

Intaa waxa dheer , waxa ay isaga iyo xaaskiisu si wada jir ah u samayteen Beer Ubax ah oo ay kala soo bixi jireen nolol maalmeed kooda iyagoo maalin walba Ubaxa u iib geyn jirey isla magaalo madaxda waddanka uu taliyo .
Ugu dambeyntii, waxa ay dad badani isweydiiyeen sababta uu sidan ugu noolaa isaga oo madexweyne ah .

Laakiin wuxuu su’aashan mar kii la weydiiyey sababta ku sheegay sidan ; “Dadkaygu iyagaa ii doortay in aan u noqdo hoggaamiye , waana dad faqiir ah markaa waa in aan sidooda ula noollaadaa, si aan ula dareemo waxa ay dareemayaan “.

W/Q Khalid Curaagte (April ,2019)