Rabitaanka madaxweyne biden uu ku doonayo inuu shir u qabto dalalka dumuqraaddiga ah waa fikrad wanaagsan oo leh laba ujeeddo; waa shir dhacaya kadib 15 sano oo markii uu senator John McCain ku dhawaaqay shirka League of Democracie, inkasta oo shirku yahay mid aan jandihiisu caddayn lagana yaabo inuu inuu noqdo shir ay ka soo baxaan afkaar dabacsan, haddana sidiisa ayuu muhiimu yahay. Kadib markii si hoose ay u soo duseen liiska hordhaca ah ee dalalka la casuumay, waxa markiiba dalkooda ka waayay saxafiiyiinta Turkiga ah
liiskan dalalka la casuumay ee hordhaca ahi haddii uu sax yahay, waxa uu caddaynayaa sida saaxiibtinnimada diblomaasiyadeed looga doorbiday dimuqraaddiyada runta ah. Tusaale ahaan aqalka cadi waxa uu casuumay Armenia iyo Georgia, laakiin ma uu casuumin Azerbaijan. Sidoo kale waxa laga tagay Hungary. Madaxweyne Biden sidoo kale waxa uu qorshaynayaa inuu casuumo Israaiil iyo Ciraaq balse aanu juuq u odhan dal kale oo bariga dhexe ah ama waqooyinga Afrika kuwaasoo qaarkood dimuqraaddiyadda wakhtiyadan danbe aad ugu dadaalaan.
Ta ugu muhiimsanina waxa weeyaan Biden iyo kooxdiisu waxa ay doonayaan inay casuumaan Taiwan oo dimuqraaddiyaddeedu ay halis ku tahay Shiinaha. In Taiwan liiskan lagu daraa waxa ay leedahay muhiimad gaar ah waayo waxa ay sheegaysaa in aqalka cad dimuqraaddiyaddu kala muhiimsan tahay aqoonsiga diblomaasiyadeed. Marka la eego halbeeggan haddaba ku guul-darraysiga Biden ee martiqaadka Somaliland waa fursad la dayacay. Iyada oo dawladda maraykanku aqoonsatay maxmiyaddii British somaliland markii ay madaxbannaanida ka qaadatay dawladda ingiriiska kahor intii aanay ku biirin soomaaliyadii koonfurta ee Talyaanigu gumaysan jiray. Wakhtigaa waxa Somalia jilbaha dhulka u dhigay kali taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Waxaanu markii danbe hubkii dalka oo dhan u adeegsaday somaliland isaga oo dilay in ka badan boqol kun oo qof. Ugu danbayntii rajiimkiisii meesha waa uu ka baxay somaliyana waxa lugaha la gashay dab iyo dawladnimo laโaan. Somaliland waxa ay dib u dhidibtay dawladnimadeedii halka aanu maraykanka iyo dawlad kale toona aqoonsan somaliland wakhtiga balse marnaba ma ay joojin horumarkeeda iyo dimuqraaddiyadda ka hana qaadday.
Somalilaan waxay leedahay rikoodhka ugu fiican dhanka dimuqraaddiyadda xisbiyada badan ee Afrika. sannadkii 2003 Daahir Riyaale Kaahin ayaa 80 cod oo kaliya ku guulaystay doorashadii dhacday oo codadka la dhiibtay ku dhawaayeen 500,000(shan boqol oo kun). Waxa isna lagaga guulaystay doorashadii xigtay 80,000 oo cod oo uu helay Axmed Maxamed Siilaanyo, sidaana uu xilka si sharaf leh uga dagay. Inkasa oo saddexda xisbi ee somaliland ku wareegaan ashkhaas marka loo eegi afkaar, haddana waxa socda doodo lagu doonayo in xisbiyo la furo inkasta oo aan la ogayn halka ay ku biyo shuban doonto. Dadku si weynbay ugu kalsoonyihiin dawladnimadooda ama ha la aqoonsado ama yaan la aqoonsan, somaliland waa dalkii ugu horreeyay ee doorasho u isticmaala hannaanka la sawirayo buโda isha(biometric iris scans)
Doorashadii somaliland ee ugu danbaysa ee Baarlamaanka- taasoo diblomaasiyiinta reer Yurub goobjoog ahaayeen balse waaxda arrimaha dibadda ee Blinken ay qaadacday- mucaaridka ayaa si weyn uga yaabiyay xisbiga talada haya iyaga oo ku guulaystay aqlabiyadda Baarlamaanka waxaanayย kaga madaxweynaha shir-guddoonka Baarlamaanka ee uu doonayay inuu golaha hoggaamiyo. Somaliland maaha inay hiigsanayso dimuqraaddiyad balse waxa
Ay si firfircoon ula jaan qaaddaa dalalka kale ee dimuqraaddiga ah. Halka Jabuuti Itoobbiya Iyo Somaliya ay xidhiidh la leeyihiin Shiinaha, tusaale ahaan Somaliland waxa ay u jeedsatay dhanka Taywaan , Boqortooyada Ingiriiska iyo Dheemaarik. Cabsiga ay dawladda maraykanku ka baqayso dalal Afrika ah oo goosasho ku hammiya haddii ay somaliland aqoonsadaan ayaa keentay inay somaliland gacan bidixayso oo aanay marnaba ka fikirin aqoonsigii ay hore u siisay dhulkaas.
Laakiin u bogista dimuqraaddiyaddu- sida casuumadda Taywaan- macneedu maaha inuu noqoto in la aqoonsado madaxbannaanida dal leeyahay, balse waxa ay u baahan tahay uun in la garwaaqsado in dalkaasi yahay dimuqraaddi waxba yaan la aqoonsanbee, sidaana loola dhaqmo.
Haddii Madaxweyne Biden, Blinken(xoghayaha arrimaha dibadda maraykanka) iyo la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan, ay ka baqayaan jawaabtooda ku aaddan haddii Muqdisho iyo Bikiin ka ashkatoodaan Taywaan iyo Somaliland,ย jawaabtooda waa inay dhagaha ka furaystaan. Washington waa inaanay marnabaย dimuqraaddiyadda ka doorbidin kali-talisnimada, taa baddalkeedana waa inay u sheegaan Muqdisho iyo Bikiin in haddii ay doonayaan in lagu soo daro liiska dalalk dimuqraadiyadda ay raacaad waddada ay raaceen dalalka ay sheeganayaan inay iyaga ka mid yihiin
Abdirahman Abdilahi Warsame
B.A in Journalism and Mass communication
E-mail:ย cbdrxmngeni@yahoo.com
Tel: 063-4418649
Location: Hargeisa, Somaliland
https://www.facebook.com/