Madaxweyne Gari ma ku gashaa!!! (WQ: Maxamed-Iid Cumar Cismaan)

Waraaq Furan oo ku socota Madaxweyne Biixi

Mudane Madaxweyne,

Aarraar.

Kol hadaanan daynayn hadal haynta xukuumadda aad gadhwadeenka ka tahay, oo wakhtigayga qayb ka mid ahi igaga lunto; Madaxweynaha ama wasiir hebel “taa uu sameeyay way wanaangsantahay” “inuu sameeyo may ahayn” kadibna aan ku danbaynlahaa inaan affar erey oo kooban ku niyad jabiyo inta wanaaga jecel ee aan aqaano “WAXBA MA JIRAAN” oo far waaweyn ku qoran. Miyaad intaad saluugtay waraaq ku qortid? Tallada wixii qaldanna ku dartid?  waaba intaasoo sax laguula arkaaye, ayuunbay garashadu isiisay ee isma lihi waxbaad cid dheertahay. Iyo oo miyay gaadhaysaa?!  Yeelko! Xilkaaguun guddo muwaadin.

Hordhac.

Iyadoo shacabkaagu dareensan yahay in cashuurtu tahay lafdhabarta dhaqaalaha ee dawladdi leedahay, si ay ugu maamusho rabitaanka iyo hanaanka geedi socodka himilada horumar ee ay umaddani leedahay kaasoo ay gadhwadeen kaaga dhigeen uga tahay shacabkan reer Somaliland. Hadana waxay aaminsan yihiin in cashuurtan summadda gaadiidka ee labba kackaynta ahi ay xaaraan tahay!.Kuna dhisantahay fikir fudayd ku dhashay kaasoo u muuqda in uu ku yimi tallo aan la ruugin ama aanay ka muuqan naxariistii shacabkan aad hogaamisaa uu xaqa ugu lahaa dawladooda. Qodobo sharci ma soo qaadanayo oo aqoonta Sharciga la igaga wanaagsan, balse Sababahan soo socda ayay wareegtadan(Qaybteeda looguu yeedhay Badalka Sumada Gaadiidka) ee wasiirkaagu soo saaray ku xaaraamoobaysaa aniga garashadayda.

  1. Shacabka Gaadiidlayda ah dhamaantood waa laga qaaday cashuurtii Xaqa loogu lahaa markii ay lasoo dagayeen gaadiidkooda, summada gaadhigoodu hada leeyahay way ka mid ahayd lacagtii lagaga qaaday kastamka dawlada ama dekeda.

 

  1. Xaddiga lacagta lagu badalanayo Sumada Gaadiidku waxay ka badan in ku dhaw labba jeer (Labbo – laab)intii markii hore muwaadinku siistay. Taasina waxay ka maragtahay in wareegtadan aan la rogrogin, laguna tashan haynta guud ee shacabkan tabarta daran ee hogaamintaada miciinka bidday.

Hadaba , Mudane Madaxweyne, waxaan kugula talin lahaa qodobadan soo socda

  • “In aad si naxariisi ku jirto u eegto wareegtadan iyo wareegtooyinka mustaqbalka ee xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay ay soo saari doonaan. Ugu yaraan haka soo tallo bixiyeen koox matalaysa bulshada noocyadeeda kale duwan inta aan wareegtada la dhaqan galin. Arrintani waxay kaa caawinaysaa in wareetooyinka xukuumadaadu soo saarto ay shabahaan wareegtooyinkii bilowgii ee dawladii Rajiimkii Siyaad Barre ee aad Kicinteeda qaybta ka ahayd”.

Sifayaal la isku raacsanayahay oo hogaamiyaha wanaagsani ma jiraan aduunka hase ahaatee, Waa run Go’aan adkaantu ama Hal adaygu waxa uu ka mid yahay astaamaha hogaanka wanaagsan balse, tanaasulka, u dhimrinta iyo naxariista guud ee shacabku waa lagama maarmaan in ay ku ladhnaato oo muwaadinku ka dareemo hogaamiyihiisa, iyada ayaa ka saamayn badan marka la eegayo dhanka xusuusta fog ee dareenka shacabka uu hogaamiyahoodu ku yeesho.

Gunaanad

Fikir kasta oo horumar lagu gaadhi karaa amase xukuumad dhaqaale ugu kordhayaa maaha sax, mana noqondo mid waxqabad ah hadii aan laga jirin hadimadda iyo in uu culays iyo dhib ku noqonayo shacabka wax loo qabanayo. Marwalba dareeenka shacabka ayaa kow ka ah fikirka hogaamiyaha wanaagsan iyo shaqada xukuumadiisa.

Mudane Madaxweyne, Waxaan kugu bogaadinayaa sidii Islaamnida iyo lexejeclada lahayd ee aad uga dareen cilisay Xeerkii Kufsiga. Arrintan lafteeda ma sahlana in hoos loo eegana way mudan tahay hadii ay adiga kula noqoto.

Mahadsanid,

Mohamed-Iid Cumar.

Muwaadin

Email: dhogor2003@hotmail.com