Madaxweyne Trump oo ka dhawaajiyey in uu ciidankiisa kala bixi doono Suuriya iyo war-warka laga qabo (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Madaxweynaha maraykanka ayaa ka dhawaajiyay inuu Ciidankiisa oo lagu qiyaasay ilaa 2000 askari uu kala baxayo waddanka ay dagaalladu halaakeyeen ee Syria,ka sokow joogitankiisa waddanka Syria waxa kaloo u raacaysay inuu taageeri jiray Xoogaga la dagaalama Xukuumaada Bashaar Assad ee loo yqaan SDF,waxa kaloo uu dagaal kula jiray Xoogaga Dowladda islamiga ah ee ISIS.

Arrintan oo Donald Trump ku sababeeyay inuu dhamaaday Dagaalkii lagula Jiray Daacsih (ISIS),sidaas darteed uu Ciidankiisa kala baxayo,hase ahaattee arrintan Siyaasiyiin badan ayaa ka Muujiyay Walaac iyagoo farta ku fiiqay caddaymo muujinaya inay haddaba dib u soo laabanayso Xoogagii daacish,haddii Ciidanka maraykanku ka baxona ay awood badan yeelan doonaan,

Sidoo kale waxay arrintani ay ka farxinaysaa Ruushka,Iiraan,iyo turkey oo isku xulufo kala ujeedo ah,waxayna Tilmaamayaan in aan laga waaban doonin Xoogaga la Dagaallama Xukuumadda Asad ee SDF,Xoogagan oo meelo muhiim ah iyo Ceelasha Saliidda Gacanta ku hayay,halkaasna ay Guulaysan Doonaan Bashar Asad iyo Xulafada Ruushku horkacayo isla markaana Daacish ay iyana Dhinaceeda ka soo Xoogaysan Doonaan,iyagoo is garab sandoona Kooxo kale oo Bariga Waddanka Suuriya ka dagaallama.

Arrintani waxay u Horseedi doontaa ayaa la leeyahay in dhiigga faraha badan ee Syria ka socdaa Sii labanlaabmo oo Calooshood u shaqaystayaasha Ruushka iyo Xulafadiisa Iran iyo Turkey ay isku sii balaadhin  doonaan Waddanka Suuriya isla markaana dagaalladu noqdaan kuwo gaas lyo petrol lagu sii daray.

Dhinaca kale waxa lumaysa Isku hallaynttii laga Qabay Dowladda Maraykanka waxana loo arkayaa inuu Donald Trump ka war-wareegayo oo sy iska tahay ama ay noqonayso inuu ka waabtay inuu u babac dhigo Ruushka iyo Xulafadiisa,tanina ay ka farxin doonto Ruushka iyo Iiraan oo rabta inay isku ballaadhiso Gobolka Khaliijka Carabta,Saamayn bandanna ku yeelatto.

Waxa kaloo arrintani ay nabar ku noqon doontaa Dowladaha khaliijka carabta sida Sucuudiga,UAE.baxrayn iyo waddamao badan oo carabta ah oo hadda ay cadaawad ka dhaxayso Iiraan oo Awooodda ay ku hanjabaan inta badan ay tahay awoodda Militry ee Maraykanka,iyo Saamaynta uu dunida ku leeyahay,Cilmi baadhe maraykan ah oo ka shaqeeya Xarunta Cilmi baadhista Difaaca ee waddanka Maraynka,(David Adenisk) ayaa yidhi maraykanka La aantii Xulafadii uu Suuriya Gudeheeda ku lahaa ma sii haysan karaan awood waana laga Guulaysan Doonaa.

Sidoo kale Gabdh Cilmbaadhe ka ah Macadka Cilmibaadhsita ee barashada ( Euroasia.Russia and East Europe) ayaa ku dhawaaqday waxayna tidhi ka Bixista Maraykanku Ciidankiisa kala baxo Suuriya waxay aniga iila Egtahay inay Ruushku u gacan bannaanaaday Suuriya iyo Xoogaggii u dagaallmi jiray inay Bashar asad ridaan oo Jaba,waxa kaloo ka faaiidaysanaya Iiraan, waxayna Xulafadu Gacanta ku dhigi Doonaan meelhii Shidaalka iyo dhaqaalaha halkaasna Xoog ayay ka heli doontaa Xukuumadda Bashar Asad iyo Xulafadiisa Iran iyo Ruushku.

Waxa xusid mudan indhowaan Xoghayihii arrimaha Dibadda Maraykanka ee Xilka laga qaaday (Rex tillerson)uu hadal uu jeedinayay ku caddeeyay in aanay dhamaan Dagaalkii Dacsish lagula dagaalamayay iyo Ujeedadii uu maraykanku ka lahaa Gobolka Sidaas darteed ay Ciidankoodu sii Joogi Doonaan arimahan oo ka dhigaya Dowladda maraykanku inu hadalkeedu iska hor iyo daba imanayo,balse waynu eegi doonnaa Duugga danbe Insha Allah.

 

Rashiid Odowaa                Khadarsalaan@gmail.com