Madaxweynuhu Awood Sharci ma u leeyahay kala dirista Komishanka?
Komishanka Doorashooyinku waa hay’ad madax banaan, oo ka masuul ah qabsoomidda iyo maamulida hanaanka doorashada, iyo ku dhawaaqida natiijada hordhaca ah. Si madaxbanaanideeda loo sugo, xubnaha Komishanka waxa la siiyay muddo xileed cayiman oo ay xilka hayn doonaan, muddo xileedkaasina waa (5) sanno, oo hal mar oo danbe loo cusboonaysiin karo. Xubin ka mid ah Komishanku haddii uu galo asbaabta ku cad Qodobka 14aad ee Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka, ee wax laga bedelay 2017, waxa uu Madaxwenuhu u magacaabayaa Guddi baadhiseed oo ka soo warbixisa, waxaanu warbixintaasi iyo xilka qaadistaba u gudbinayaa Golaha Wakiilada oo ay shardi tahay in ay ku ansixiyaan, halkaa waxa ka cad Golaha Wakiiladu waa diidi karaa xil ka qaadista xubinta.
Xeerka meelna kagama cada in uu Madaxweynuhu xubnaha Komishan oo isku dhan xilka ka qaado. Dalabka laga dalbaday in Madaxweynuhu xilka ka qaadaa waxa ay asliyan ka soo horjeedaa kala madaxbanaanida hay’adaha dawlada, waxaanay Madaxweynaha ku ajburaysaa arrin aanu sharciyan lahayn, taas waxa ka dhalan kara in Madaxweynuhu toos faraha ula galo hawlaha shaqo ee Komishanka, maadaama oo uu kala diri karo, waxaana halkaas ku wiiqmaysa madaxbanaanidii Komishanku doorahsada ku maamuli lahaa, waxana suurtogal ah in si qaldan loo adeegsan karo mustaqbalka fog, oo iyada oo doorasho dalku galay, Madaxweynuhu u arko Komishanka qaar aan u dhago nuglayn uu si dhib yar xilka uga xayuubin karo, maadaana oo mar horeba sidaas iyada oo xisbiyadu la ogolaayeen loo sameeyey.
Arrintu waxa ay ku haboonayd in lagu koobo dooda xubinta/naha lagu muransan yahay oo keliya, taas oo xil ka qaadisteeda la sababayn karo, haddii xitaa Madaxweynuhu diidana Dacwad laga furan karo maxkamada awooda u leh. Soo jeedinta odoyaashu marnaba looma fasiran karo kamana awood badnaan karto xeerarka iyo shuruucda dhaqangalka dalka ka ah. Mana ay ahayn soo jeedin sharciga waafaqsan oo ay awood u lahaayeen.
Maxaa Xal ah?
Xalka ugu dhaw (balse ay diidi karaan xubnaha komishanku), waa in si wada jir ah saddexsa xisbi uga codsadaan in ay is casilaan, iyaga oo eegaya danta qaranka, oo culays la saaro Komishanka. Haddii taasi lagu guul daraysto, waxa ugu dhaw in lagu noqdo shuruudihii lagu soo doortay xubnaha, oo dacwad wada jir ah laga gudbiyo xubnaha aan buuxin shuruudaha xubinimo ee lagu soo doortay, taas oo keenaysa in xubnahaasi cayiman oo kaliya xilka laga qaado.
Dadka qaar baa ku doodaya in hore ay u dhacday in laga codsaday Komishanku in ay iscasilaan, balse waqtgaasi waxa uu kaga duwan yahay Komishankaasi waa uu ahaa Komishan shaqeeyay, shaqadoodiina xisbiyadu ku qanci waayeen, sidaa darteed, culays lagu saaray in ay iscasilaan, laakiin Komishanka haddu, ma qaban wax shaqo ah, wax lagaga cawdo oo ay sameeyeena majirto marka laga reebo xubnaha la leeyahay shuruudihii sharcigu dhigayay may buuxin, sidaa drteed, labada xaaladood isku mid ma aha, tusaalena looguma soo qaadan karo xaaladan maanta taagan.
Wa Bilaahi Tawfiiq.