Magaca Soomaali Halkuu Ka Yimi ! W/Q :(Cali Cabdi Coomay)

oromada, oo markii hore deganayd qaybo ka mid ah dhulka Soomaalida. Fikradan waxa aaminsan qorayaasha: Cerulli yo I.M lewis.

Aragtida afraad:Soomaalidu waxay ku dhaqanaan jirtay cidhifka ugu bariyeysan ee dhulka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Bari. Aragtidani waxay ku dhowdahay tan saddexaad. Soomaalidu weligeed waxa hoy u ahayd dhulkan ay ku dhaqan tahay, cid kale oo ay ku riixday ma jirto. Waxaanu daliishanayaa in magaca soomaali laga heli karo afka Niotigga ee lagaga hadlo Kiinya iyo Suudaan. Fikradan waxa aaminsan qoraaga Ibraahim Ali , oo qoray buugga la yidhaa”. The origin and history of the somali people.

Aragtida shanaad:Soomaalidu waxay ka soo kicitintay dhulkoodii hore ee lagu magacaabi jiray KUSH ee koonfurta Masar/Waqooyiga  Suudaan, ilaa ay ka soo gaadheen Raas Gaaradafuu, ka hor intii aanay u leexanin galbeed iyo koonfur. Fikradan waxa aaminsan qoraaga Ahmed Ibraahim Cawaale, ee qoray buugga la yidhaa” Dirkii Sacmaallada”.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raacyo:

Ibraahin Cali……The Origin and History of the Somali people.

Axmed Ibraahin Cawaale……Dirkii sacmaallada.

Prof. Sadiq Enow Qoraallo uu diyaariyey.