Sannadkan 2016 waxa lagu xasuusan doona, loona bixin doona sannadkii Kulmiye ee Abaarta iyo Tahriibta. Wuxuu yidhi Abwaan Cali Sugule:
Sanad waliba hoodiyo,
Hawl iyo dhibaatiyo,
wuxuu hadimo leeyahay,
Waa laga helayoo,
hadhow lagu xasuustaa.
Waa sannadkii dhallinyaro Somalilanders oo kor u dhaafaysa 30 ay ku halaagmeen badweynta “Miditeraanyanka”. Dhallinyaradaasi kamay qaxin colaad iyo dagaal sokeeye.
Waxa eryay rajo xumo “hopelessness, maamul xumo iyo cadaalad darro. Waxa baro kiciyay Dawladda Murdiso oo xaraashtay dhulkii ay ku ciyaari lahaayeen, maktabadahii ay wax ku akhrisan lahaayeen iyo Dugsiyadii ay wax ku baran lahaayeen.
Waxa tahriibisay dawlad u adeegta dibirka iyo maga-fayaasha dhaqaalaha kuna tumata danyarta iyo dibjirka. Waxaan shacbiga Somaliland xasuusinyaa in sannadkan 2016-kii yahay kii ugu xumaa ee ina soo maraa 100-kii sannadood ee ugu danbeeyay.
Sannadakan waxa ina soo maray laba abaarood oo kala danbeeyay Gugii iyo dayrtan. Waxa badaha ku nafwaayay 300 oo dhallinyaro ah.
Haddaba, taariikhda sannadahii ugu adkaa ee soo mara Somaliland iyo magacyadii loo kala bixiyay waxay ahaayeen:
1) Xaarama Cune 1914
2) Hawaara 1923
3) Adhi-Gaba 1934
4)Jiitama 1945
5) Siiga Case 1954
6) Gaadhi-gaadhisaar 1964
7) Daba-dheer 1974
8)Dhibijaale 1984
9)Kulmiye 2016.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.