Magacyada Allaah ee Wanaagsan Qaybtii 1aad. .W/T:(Axmed Cali Kaahin)

Baahi wayn baa jirta oo ah sirta dunidan loo joogo waana adoonimo haddii aadmigu taa garan waayana adoonimadiisu hoos bay u dhacaysaa waxaa jira baahiyo hoose oo aduunyo kana fog xalal miirashada, dhamaan ficilada aadmiga waxaa jira baahiyo sare oo sharfan oo mudan in lagu baraarugo oo ah barashada Allaah oo ah cilmi oo dhan aqoonta kalena taasi bay raacdaa.Waxa qiimo leh islaamka dhexdiisa in la yaqaan amarada Allaah balse aan aqoon fiican loo lahayn Alla’ha amarada bixiya xaqiiqaduna waa in aad taqaan ka ku amray amarada, si adigoo fulinaya aad u dareento oo qalbigaaga Allaah ku wayn yahay iyo jacaylkiisu kuna caabudo Allaah jacayl iyo wayneyn.

Waxa jira qodob aad u qiimo badan oo ah asalka aduunyadu waaba garashada Rabbi subxaanah.Allaah waxa uu adoomihiisa siiyay nimcada awooda garashada oo nolayaasha kale dheeryihiin si loogu dhugto kalinimadiisa taasi awgeed aadmiga doonaya in uu ogaado yoolka joogistiisa wax laga yaabaa in uu u dhawaado xaqiiqda jiritaankiisa oo ah adoonimo.

Waxa jira haddii gaadhiga ku shaqeeya shidaalka baatroolka lagu shubo shidaalka naaftada ma shaqaynaayo waxaan laga yaabaa in uu gubto isaga iyo cida saaranba sidaasi oo kale aadmiga waxaa loo abuuray cibaado haddii xaga cibaadada dhinac kale oo aan ahayn xaga toosan ee Allaah waddada uu jeexay laga leexdo waa sida gaadhigaasi oo kale dunuubtaana gubaysa qofka noloshiisa.

Xaga fadliga barashada Allaah waa sida fadliga u dhexeeya Allaah iyo Adoomihiisa haddii qofku aduunyo doono waa barashada cilmiga haddii uu aakhiro doono cilmiga baro haddii labadaba uu doono cilmiga baro, haddii aad badhkaa siiso cilmiga waxba ku siinmaayo haddii aad iswada siisana wuu iskaa wadda siinayaa cilmigana waxaa ugu mudan barashada Allaah.

Caalimku haddii marka uu cilmiga baranaayo yidhaah jooji oo caalim baad noqotay wali waxba ma baran caalimku waa qofka barashada cilmiga wadda ilaa uu ka dhimanaayo waxaan ugu horeeya barasahd Allaah cilmiga.

Arrintani waa tusaale nool oo taabanaya farqiga u dhexeeya muslimiinta maanta iyo muslimiintii hore gaar ahaan saxaabadii. Saxaabadu waxay ahaayeen tiro yar oo kooban haddana meelo badan oo dunida ah waxaa gaadhay calankooda waayo waxay aad u yaqaaneen Allaaah aqoon xeel dheer oo keentay in iyagoo dunida dul socda loogu bushaareeyo janada oo ah yoolka dhamaan muslimiinta oo dhan. Waxa xiga qaybta 2aad haddii Allaah idmo.

Diyaarintii : Sh.M.Nabulsi

Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin Aakaahin@gmail.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

Mahdsnid Ahmed Ali waan soo bandhigaaa inshallah, Linkingna waa kula soo wadaagi.

 

Xigasho:Axmed Cali Kaahin

Bandhige@gmail.com.com